DAAWO:- Siduu dhacay Qarax lagu diley Xoghayihii hore Gobolka Banaadir

DAAWO:- Siduu dhacay Qarax lagu diley Xoghayihii hore Gobolka Banaadir

daajis.com:-Waxaa Duhurnimadii maanta Qarax xoogan ay kasoo baxayaan Warar kala duwan uu ka dhacay agagaarka Isgooska KM-4 ee Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi ku dhintay Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir iyo dad kale.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay Miino wadada dhinaceeda lagu aasay oo lala eegtay Gaari Nuuca Qooqanta ah uu watay Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Hilowle Cismaan , warar kale ayaa iyana sheegaya in laga yaabo in qaraxu uu ku xirnaa gaariga uu watay Cabdi Kaafi.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa waxaa ku dhintay Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Hilowle iyo lix qof oo kale ay ku jiraan qaar kamid ah ilaaladii lasocotay iyo dad wadada dhinaceeda marayay.

Gaadiidka Gurmadka Deg dega oo durba soo gaaray halka uu qaraxu ka dhacay ayaa halkaasi ka qaaday dhaawacyada dad ka badan 10-qof kuwaa oo badankood marayay xiliga uu qaraxu dhacayay wadada dhinaceeda.

Ciidamada Dowlada ayaa qaraxa kadib xiray isku codka dadka iyo gaadiidka Isgooska KM-4 , waxaana la maqlayay rasaas ay kor u ridayeen Ciidamada dowlada kuwaa oo dadka iyo saxaafada ku amrayay in aysan usoo dhawaan halka uu qaraxu ka dhacay.

Masuuliyiinta Dowlada iyo Saraakiisha Ciidanka ayaan wali ka hadlin qaraxa xoogan ee manta ka dhacay Isgooska KM- 4 ee lagu dilay Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir .

Cabdi Kaafi Hilowle ayaa Xilka laga qaaday markii lasoo Magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir , waxa uuna ahaa nin hadaladiisa aan la cabsan oo si kulul u weerari jiray Habdhaqanka Xarakada Al-Shabaab oo dagaalo kala horjeeda Dowlada Soomaaliya.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada