SAWIRRO:- Faah-faahin dheeraad ah oo ka soo baxaya qaraxyada caawa ruxay magaalada Mombasa

SAWIRRO:- Faah-faahin dheeraad ah oo ka soo baxaya qaraxyada caawa ruxay magaalada Mombasa

daajis.com:-Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Laba qarax oo caawa ka kala dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya, iyadoo qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca uu kor u socdo.


Ilaa shan qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxyadaasi caawa ruxay magaalada Mombasa, iyadoo lagu warramayo inay ku dhaawacmeed dad kor u dhaafaya 15 qof.

Qaraxa koowaad ayaa waxa uu ka dhacay boosteejada laga raaco basaska shirkadda Chania, waxaana la sheegay inuu qaraxaasi burburiyay dhismaha shirkadda basaska ah ee Chania.


Qaraxa kale ayaa isna ka dhacay hotel ku yaallo Nyali, waxaana qaraxyada kadib goobta soo gaaray ciidamada Booliska Kenya oo buux dhaafshay goobaha ay qaraxyadu ka kala dhaceen.

Xaaladda magaalada Mombasa ayaa caawa kacsan, iyadoo qaraxyadan ay kusoo beegmayaan xilli dalka Kenya ay ka socdaan howlgallo amaanka lagu xaqiijinayo sida ay kal hore sheegtay dowladda Kenya.
 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada