Muwaadiniin soomaaliyeed oo laga soo tarxiilay Nairobi oo maanta Muqdisho laga soo dajiyay

Muwaadiniin soomaaliyeed oo laga soo tarxiilay Nairobi oo maanta Muqdisho laga soo dajiyay

daajis.com:-Saraakiisha Waaxyaha iyo Qeybaha Habmaamuuska, Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa maanta ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha caasimadda Muqdisho 88 ruux oo ah muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daad gureeyay dalka Kenya, kuwaasoo ah qeybtii seddexaad oo Magaalada Nairobi looga soo qaado diyaarad gaar ah. 


Howsha dadkani lagu soo dhoweynayay oo jawi heer sare ah u dhacday , ayaa waxaa Saraakiisha Wasaaradda kala qeyb qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga wakiilka ah dalka Kenya iyo Xoghayaha koowaad ee Safaaradaasi .   
Muwaadiniintani Soomaaliyeed oo isugu jiray dhalinyaro ,haween ,iyo carruur ayaa wejiyadooda laga dareemayay farxad iyo reyn-reyn ay u muujinayeen jaceylka dalkooda hooyo oo dib loogu soo celiyay .


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada