DAAWO VIDEO:- Ciidamada ilaalada Q/Midoobay oo howl bilaabay+SAWIRRO

DAAWO VIDEO:- Ciidamada ilaalada Q/Midoobay oo howl bilaabay+SAWIRRO

daajis.com:-WAR SAXAAFADEED:-Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa maanta guddoomiyey caleema saarkii rasmiga ahaa ee Cutubka Ilaalada Qaramada Midoobay, ciidan u dhisan difaac loona xilsaaray ilaalinta shaqaalaha QM iyo dhismayaashooda Muqdisho.

Cutubka Ilaalada QM wuxuu ka koobanyahay 410 ciidan oo ay bixisay Xoogagga Difaaca Shacaka Uganda (UPDF). Cutubka Ilaalada, oo uu hogaaminayo Taliye Ugandays ah, waxaa mas’uuliyaddooda hoos imaaneysaa mas’uulka QM ugu magacaaban Soomaaliya, SRSG Kay. Cutubku waa awood sugan waxaana saldhig u noqon doona Gegida Caalamiga ah ee Muqdisho.

“Soo daabulidda Cutubka Ilaalada QM waa tallaabo muhiim ah sida aan annaguba usii wadno baahinta howlgalladeena aan ku taageereyno dadka Soomaaliyeed,” Mudane Kay ayaa ka sheegay xafladda. “Waxaan aad ugu mahad celineeynaa Uganda oo sii waddo in ay gacan ka geysato dhismaha-nabadda- iyo dalka Soomaaliya”



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada