Xildhibaanad laga soo doorto Gaarisa oo xaqiijisay tuhunkii dad badan ay ka qabeen Axmed Madoobe (Dhageyso)

Xildhibaanad laga soo doorto Gaarisa oo xaqiijisay tuhunkii dad badan ay ka qabeen Axmed Madoobe (Dhageyso)

daajis.com:-Xildhibaanad Shukri Xasan Guure, oo ah gabar kamid ah baarlamanka Kenya, lagana soo doorto magaalada Gaarisa, ayaa caddeysay in dadka iminka maamula Kismaayo ee maamulka Jubba ay yihiin dad ka yimid halka ay ayada laga soo doortay.

Horey ayaa shacabka Kismaayo, waxa ay uga cabanayeen in Axmed Madoobe iyo maleeshiyadiisa aanay ahayn dad magaalada u dhashay, balse kusoo duulay.

Hadalka Shukri ay u jeedisay xubno ka mid ah maamulkaas, ayaa iminka caddeynaya arrintaas.

Shukri ayaa tiri “Aniga Gaarisa ayaa la iga soo doortaa, waxaana isoo doortay dadka reer Jubbaland ee kibaandhaha qaba ee maanta Kismaayo jooga, qaar badan ayaan wajiyadooda garanayaa hadda oo horteyda fadhiya”.

Shukri waxay sheegtay in Gaarisa iyo Jubbaland ay isku mid yihiin.

Gabadhaan waxa ay ka hadashay kulan lagu soo dhaweynayay hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe.

Halkaan ka dhageyso codka





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com


Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada