Digniin laga soo saaray weeraro ay Al-Shabaab ka geysato magaalada Muqdisho

Digniin laga soo saaray weeraro ay Al-Shabaab ka geysato magaalada Muqdisho

daajis.com:-Hay'ada sirdoonka DF, ayaa shaacisay ineey heleen macluumaad ku saabsan, in shabaab ay qorsheeynayaan ineey qaraxyo ka fuliyaan Muqdisho Bisha barakeysan ee Ramadaanka.

Taliyaha Nabad Sugida Bashiir Goobe, ayaa mar uu saxaafada la hadlayay, waxa uu sheegay iney heleen Xog ku saabsan qaraxyo ay shabaab ka fulin rabaan Muqdisho.

Bashiir Goobe, waxa uu sheegay, in shabab ay doonayaan markaan ineey adeegsadan tabab cusub, iyagoo adeegsanaya Caruur aad u yar yar oo qaarkood dibada laga keenay.

Taliyaha Nabad Sugida, waxaa uu sheegay, ineey u diyaar garoobeen ka hortagida weeraradaas.

Shabaab oo Muqdisho laga saaray sadex sano kahor, ayaa wali waxay ka fuliyan weeraro iyo qaraxyo inta badan ay ku xasuuqaan shacabka an waxbo galabsan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada