Qaraxii Labaad oo Hargeysa ka dhacay caawa

Qaraxii Labaad oo Hargeysa ka dhacay caawa

daajis.com:-Qaraxii Labaad ayaa 24 saac gudahood ka dhacay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, iyadoo qaraxan caawa dhacay uu ka duwan yahay kii xalay dhacay, kaasoo aan wax khasaare ah geysan.

Qaraxan oo ka dhacabay dhabarka danbe ee Madaxtooyada Somaliland ayaa ahaa mid aad u xooggan, wax faah faahin ah lagama haayo maadaama uu dhacay xili danbe oo ku beegneyd abaaro 10 fiidnimo, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidamada amaanka iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Warancadde iyo Taliyaha Booliska.

Ciidamada amaanka ayaa joojiyay isu socodka gaadiidka, waxayna bilaabeen howlgal baaris ah, iyadoo aan cidna loo qaban qaraxan.

Xalay ayaa qarax midkan oo kale ah uu ka dhacay magaalada Hargeysa, kaasoo aan geysan wax khasaare ah, mana jirto ilaa hadda cid sheegatay, iyadoo Taliyaha Booliska Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan uu sheegay in loo qabtay dhowr qof oo looga shakisan yahay iney wax ka og yihiin falkii xalay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada