daajis.com:-Shacabka ku nool degmada Wadajir, ayaa mar
qura xalay saq dhexe ku baraarugay Madaafiicda Hoobiyaha oo sida roobki
ugu soo daadaneyso halkaas.
Madaafiicdan Hoobiyaha oo sida loo badinayo
ay soo tuurayeen Al-shabaab, ayaa waxaa ku naf waayay ilaa 4 qof oo
rayid ah, tiro intaas ka badana waxaa soo gaaray dhaawac.
Dadka dhaawacu ka soo gaarey Hoobiyaasha
xalay lagu garaacey Wadajir ayaa qaar kamidn ah qabaan dhaawacyo culus
kuwaas oo la geeyey goobaha caafimaadka.
Madaafiicdan ayaa bartilmaameedkoodu ahaa
sida wararku sheegayaan jaamacaddii hore ee Gahayr halkaas oo hadda
saldhig u ah ciidamada Burundi ee AMISOM.
Madaafiicdan ayaa ku soo beegmaya maalmo
kadib markii maamulkii hore xilka ku wareejiyey mid cusub oo loo
magacaabey degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:15 and have
, Published at