NEWS:- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo gaaray Garbahaarey, kuna sii jeeda Beledxaawo

NEWS:- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo gaaray Garbahaarey, kuna sii jeeda Beledxaawo

daajis.com:-Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo hogaaminaya wafdi ay dowlada u dirtay Gobolka Gedo, si ay u xaliyaan xiisada ka taagan Beledxaawo ayaa goor dhow gaaray magaalada Garbaharey ee xarunta Gobolkaas.

Sida ay sheegayaan wararka Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka ayaa la filayaa inay u gudbaan degmada Beledxaawo oo maalmihii la soo dhaafay xiisado dagaal ka jireen, kadib markii ciidamo hubeysan ay ku dagaalameen gacan ku heynta degmada.

Wafdiga Wasiirka ayaa kulamo la leh maamulka magaalad, saraakiisha ciidamada iyo odayaasha deegaanka, si xal looga gaaro xiisadaha dagaal ee ka jira Beledxaawo oo ay isku hayaan dhinacyo kala duwan.

Sarkaal ka tirsan maamulka Garbahaarey ayaa u sheegay wariyeyaasha in wafdiga Wasiirka Gaashaandhiga ay la kulmeen Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka, odayaasha dhaqanka, culumaa'udiinka iyo waxgarad, si ugu dambeyn loo xaliyo dagaalka, isla markaana dib u heshiisiin la dhex dhigo.

Degmada Beledxaawo ayaa waxaa ka jira maalintii labaad xaalad degenaansho, inkastoo labadii ciidan ee ku dagaalamay ay ku sugan yihiin degmada, waxaana odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmada ay wadaan waan waan iyo dadaalo lagu dhex dhexaadinayo dhinacyadii ku dagaalamay degmada.

Ciidamo taabacsan Gudoomiyaha degmada Doolow iyo Maamulka degmada Beledxaawo ayaa ku loolamaya gacan ku heynta degmada, iyadoo saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ay ku eedeeyeen Axmed Madoobe inuu wado dagaal uu doonayo inuu kula wareego Beledxaawo, si maamulkiisa uga howl galo.

Habeen hore ayay aheyd markii Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ay isaga baxeen degmada Beledxaawo, markii ay soo noq-noqdeen dagaalo u dhaxeeyay labo ciidan oo isku hayay gacan ku heynta degmada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada