Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Golaha Wasiirada

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Golaha Wasiirada

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa shir guddoomiyey kulamadii ugu horreeyey ee ay yeeshaan Guddi Hoosaadyada Golaha Wasiirada, oo ka kooban shan guddi hooseed.

Guddiyadan, oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaarahu May 6, 2014 ayaa kala ah: Guddi Hoosaadka Siyaasadda; Guddi Hoosaadka Amniga Qaranka; Guddi Hoosaadka Horumarinta Dhaqaalaha; Guddi Hoosaadka Arrimaha Bulshada; iyo Guddi Hoosaadka Horumarinta Tasiilaadka.

Guddi Hoosaadyadu waxay xoojin doonaan xiriirka iyo wadashaqeynta Golaha Wasiirada, waxayna sidoo kale fududeyn doonaan hawlaha kala dhexeeya Golaha Shacabka iyo Deeq-bixiyayaasha. Guddi Hoosaadyadu waxay xiriir iyo wadashaqeyn la yeelan doonaan guddiyada Baarlamaanka ee dhiggooda ah.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay inay Guddi Hoosaadyadu soo turxaan bixinayaan kana baaraandagayaan hawl kasta oo khuseysa Golaha Wasiirada inta aysan Golaha Wasiiradu go’aan ka qaadan.

Isaga oo kulanada ka hadlaya waxa uu yiri Ra’iisul Wasaaruhu:
“Ujeeddada ugu horeysa ee Guddi Hoosaadyada Golaha Wasiirada waxay tahay fududeynta iyo dar-dargelinta hawlaha Golaha Wasiirada.

“Ujeedka Guddi Hoosaadyadu waa sidii loo meelmarin lahaa hawlaha ballaaran ee horyaala Xukuumadda. Xubnaha guddi hoosaad kasta waxay ka soo wada xaajoon doonaan arrimaha khuseeya wasaaradahooda kadibna waxay talooyinkooda u soo gudbin doonaan Golaha Wasiirada.”

Arrimihii muhiimka ahaa ee kulamada looga xaajooday waxaa ka mid ah sidii dabagal loogu sameyn lahaa fulinta Qorshe-sanadeedkii xukuumadda ee 2014-ka iyo sidii looga hortagi lahaa wixii caqabado ah oo ka horyimaada.


Waxaa kaloo la isla lafaguray halka uu marayo barnaamijka Aragtida Siyaasadda ee 2016 iyo barnaamijka Hiigsiga Cusub (New Deal) iyo sida uu u waafaqsan yahay Qorshe-sanadeedka 2014-ka si ay iskula jaan qaadaan, looguna gudbo wax qabad dhab ah.

Golaha Wasiiradu wuxuu gacmo furan ku soo dhaweeyay Guddi Hoosaadyada iyo ujeeddada loo sameeyay ayagoo xusay in ay Guddi Hoosaadyadu keeni doonaan horumar iyo isbeddel ku saleysan shaqo hufan iyo meelmarinta Qorshe-hawleedka Xukuumadda.




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada