R/wasaaraha oo maanta ku damaashaaday xeebta Liido (SAWIRRO)

R/wasaaraha oo maanta ku damaashaaday xeebta Liido (SAWIRRO)

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubno kamid ah golaha Wasiirada, taliyaasha ciidamadda kala duwan ee Soomaaliya, Masuuliyiin ka socotay maamulka gobolka Banaadir, ayaa galabta u damaashaad tagey Xeebta Liido oo maalinta Jimcaha iskugu yimaadaan dadwayne aad u farabadan oo iskaga kala yimid degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa  waxaa kusoo dhaweeyay xeebta Liidon dhalinyaro aad u farabadan kuwaasoo markii uu gudaha u soo galay xeebta kor-uqaaday Ra’iisul Wasaaraha ayagoo ku dhawaaqayey erayo ay kusoo dhawaynayaan Ra’iisul Wasaaraha.

Damaashaadka kaddib Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula qaxweeyay dhalinyaradii ku dabaalanaysay Xeebta Maqaayadda Beach Veiw, “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta la damaashaado dhalinyaro Soomaaliyeed, marka hore dhalinyaraan noqday oo maanta waxaan la damaashaadayaa dhalinyaro Soomaaliyeed, meeshaan aan maanta joogno ee Liido markii uu dhulku nabadda ahaa waxay kamid ahayd goobihii aan usoo nashasho tagi jiray, waxaa iskugu key darsamay, soo dhawayn aan kala kulmay dhalinyaradii ku dabaalanaysay Xeebta iyo anigoo la Qaxweeyay shacabkii fadhiyay Beach Veiw. Tani waa astaan rajo iyo xasilooni ka muuqata dalke” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb galay  tartanka cayaaraha koobka Jeneraal Daa’uud oo iskugu soo hareen labada kooxood ee kala ah Jeenyo iyo Heegan waxaana ciyaar xiiso badan oo dhexmartay kaddib koobka qaaday Kooxda Jeenyo, waxaana halkaas Ra’iisul Wasaaruhu ku guddoon siiyey koobkii kooxda Jeenyo.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Dr. Khaalid Cumar ayaa kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha. Waxaana dhinaca kale mahadcelin u jeediyay cid walba oo ka qayb qaadatay  horumarinta Dhalinyarada iyo Cayaaraha.
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo gabagabadii hadal jeediyay ayaa ku dheeraaday ahmiyada uu leeyahay Isboortigu, isagoo ku dhiirgeliyey Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha inay joogtayso kulamada noocaan oo kale ah, gobolada dalkana laga bilaabo tartan ciyaareed dhex mara kooxaha deegaanka.

“Cayaaraha oo soo noqda waxay ka dhigantahay noloshii Soomaaliya oo soo noqotay, cayaaruhu waxay astaan u yihiin nabada, waxaan aad ugu mahadcelinayaa Xiriirka kudbadda Cagta Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Cayaaraha iyo Dhalinyarada. Kooxda maanta qaaday koobkaana waxaan leeyahay Hambalyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada