Sawirro dheeraad ah weerarkii Xarunta Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha oo tagay iyo Meydad la soo bandhigay

Sawirro dheeraad ah weerarkii Xarunta Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha oo tagay iyo Meydad la soo bandhigay

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed, Wasiirada Amniga, Gaashaandhiga, Warfaafinta, Taliyeyaasha ciidamada, saraakiil iyo Xildhibaano ayaa galabta tagay Xarunta Golaha Shacabka, halkaasoo ay weerareen xoogag ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarka oo qaatay shan saacadood ayaa ugu dambeyn ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa gaarka u tababaran ee Gaashaan loo yaqaano ay soo afjareen howl galka, markii ay dileen qaar ka mid ah xoogagii hubeysnaa ee gudaha u galay xarunta Golaha shacabka.
Saraakiisha Amniga oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen inay xaqiijiyaan ammaanka xarunta Golaha shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed oo wariyeyaasha kula hadlay afaafka hore ee Xarunta Golaha shacabka ayna hortiisa ka muuqdeen meydadka ragii weeraray Xarunta Baarlamaanka ayaa ku amaanay ciidamada sida ay uga hortageen in qasaare aad u ballaaran uu dhaco.
Mr C/wali ayaa sheegay in howl galkan uu qaatay muddo shan saacadood, ciidamadana ay si adag uga jawaabeen weerarkii Madaxtooyada, waxaana uu faray laamaha amniga inay qaadaan tallaab deg deg ah.
Meydadka ilaa todobo ruux oo ka tirsanaa kooxdii weerartay Xarunta Golaha shacabka, ayna labisnaayeen dharka milateriga ayaa saxaafada loo soo bandhigay, iyagoo jirkooda rasaas ka muuqday.
Halkan hoose ka daawo sawiradii u dambeeyay weerarkii Xarunta Golaha shacabka iyo howl galka ciidamada qaadeen
















FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada