Sawirro:- G/Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo Qaahira laga taageray

Sawirro:- G/Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo Qaahira laga taageray

daajis.com:-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna taageerayay Magacaabista Col. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare (Cumda ) oo loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkmada Sare ee Ciidamamada Qalabka Sida ayaa lagu qabtay caawa magaalada Qaahira ee dalka Masar.


Xafladan ooay soo qaban qaabiyeen Ururka Ardayda Soomaalida Waxbarshada sare ka dhigata dalka Masar ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan qeybaha kala gedisan ee Jaaliyda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Masar ayadoo ay dhamaan intii ka soo qeyb gashay ay tilmaameen C/raxmaan Tuuryare inuu yahay qof howl kar ah una qalma xilka loo magacaabay.

Gudoomiyaha Ururka ardayda waxbarshada Sare ka dhigata dalka Masar Axmed Naaji Bakaal oo xaflada Furay ayaa sheegay in Tuuryare ahaa asaasayaashii Ururkan waxbarashada sare xiligii uu wax ka baranay dalka Masar asigoo ku tilmaamay Tuuryare nin howl kar ah oo fir fircoon kana dhex muuqday Bulshada Soomaalida ee ku nool Qaahira inta uu joogay Masar asigoo tilmaamay in sharaf u tahay ardayda wax ku barata dalka Masar in xilkaas loo magacaabo Cabdiraxmaan Tuuryare , sidookale waxaa ka hadlay Xafalada aqoon yahan oo ay ka mid ahaayen Cabdullaahi Nuur Xasan (dahabshiil) Caabi Faarax, Cabdiraxmaan Cilmi Hilowle, Ugaas muxudiin iyo Cali Bashiir oo ka tirsan masuuliyiinta Safaarada Soomaaliya ee dalka Masar ayadoo dhamaan intii ka hadashay xafadan ay Tuuryare ku tilmaameen nin karti badan oo ka soo bixi kara xilka loo magacaabay .

Xafladan taageerada ah oo ay muujinayeen aqoonyahanka dalka Masar ayaa waxaa lagu soo bandhigay Heeso wadani ah oo ay ka qaadeen goobta Abwaan Axmed Deeq , Muuse Axmed Cabdalla iyo kooxda Ceesh Unit ee ka dhisan dalka Masar ayadoona ay ku soo dhamaatay xafladan Jawi wanaagsan.  





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada