Siday Arsenal Ku soo Gaadhay Finalka FA CupKa?

Siday Arsenal Ku soo Gaadhay Finalka FA CupKa?

daajis.com:-Shabakada Telegraph ayaa soo bandhitay dariiqii dheeraa ee ay Arsenal usoo martay si ay u soo gaadho finalka FA Cupka. Arsenal oo abaar koob la’aan ahi haysatay muddo 9 sano ah ayaa isku diryaarinaysa inay ku guulaysato koobka faca way nee FA Cupka iyadoo 17 bishan la ciyaaridoonta kooxda Hull City. Haddaba waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa sidii ay Arsenal ku soo gaadhay Finalka FA Cupka:

Wareegii Saddexaad ee FA Cupka :
Wareegii Saddexaad ee FA Cupka Arsenal waxay gurigeeda Emirates Stadium ku soo dhawaysay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Tottenham. Ciyaartan ayaa dhacday Sabtidii, January 3, 2014 waxayna Arsenal ugu awood sheegatay Spurs 2:0 waxaana goolasha u kala dhaliyay labada laacib ee kala ah Santi Cazorla iyo Tomas Rosicky.
Wareegii Afraad ee FA Cupka:
Wareegii afraad ee FA Cupka waxay markale Arsenal gurigeeda ku soo dhawaysay kooxda Coventry. Ciyaartan ayaa dhacday Jimcihii bisha January 24 ahayd ee 2014. Waxayna kooxdii yarayd ku xaaqeen 4:0 iyadoo ay goolasha ukala dhaliyeen Lukas Podolski oo 2 gool dhaliyay qaytii hore ee ciyaarta halka ay ciyaarta soo gabagabeeyeen Olivier Giroud iyo Cazorla oo min hal gool dhaliyay.
Wareegii Shanaad ee FA Cupka:
Wareegii shanaad ee FA Cupka waxay markale Arsenal gurigeeda ku soo dhawaysay kooxda Liverpool. Ciyaartan ayaa dhacday Axadii bisha February 16 ahayd ee 2014. Ciyaartan ayaa ku soo dhamaatay 2:1 ay Arsenal ku badisay. Ciyaartan ayaa dhalisay doobadan kadib markii Liverpool laga diiday rekoore cad oo lagu galay luis Suarez ciyaartuna waxay ku soo dhamaatay 2:1 Arsenal guushu ku raacday waxaana Arsenal goolasha u kala dhaliyay Oxlade-Chamberlain iyo Lukas Podolski halka goolka liverpoolna ahaa Rekoore uu Gerrard gool u badalay.
Wareegii lixaadee FA Cupka:
Wareegii lixaad ee FA Cupka waxay Arsenal nasiib u heshay inay markale gurigeeda ku soo dhawayso kooxda Everton. Ciyaartan ayaa dhacday Sabtidii bisha March 8 ahayd ee 2014. Arsenal ayaa ciyaartan ku guulaysatay iyadoo Everton kaga badisay 4:1. Waxaana goolasha ukala saxeexay ciyaartoyda kala ah Olivier Giroud oo laba goo loo xili danbe ah dhaliyay halka labada goo lee kale ay ka dhaliyeen ozil iyo Arteta.

Ciyaartii Semi Finalka ee Wembley:
Ciyaartii Semi finalka ee FA Cupka waxay arsenal la ciyaartay kooxda haysata koobka FA Cupka ee Wigan Athletic ciyaartan ayaa ka dhacday goroonka aadka u way ee xulka qaranka ingiriiska ee Wembely Stadium. Kooxda Wigan aya goolka ku horaysay iyadoo daqiiqadii 63 uu gool u dhaliyay Jordi Gómez halka Arsenal uu bar baraha u keenay difaacooda Per Mertesacker ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbarahaa waqtigii caadiga ahaa waxaana lagu daray 30 daqiiqo oo dheeriya waxayna ciyaartu ku soo dhmaatay bar baro 1:1 ah. Sida sharcigu dhigayo waa in lakala reebo labada kooxood waxaana loo dhigay rekooreyaal waxaana 4-2 ku guulaystay kooxda Arsenal oo sidaa iskaga diwaan galisay Finalka FA Cupka waxaana la sugaa waa in 9 kii sano ee abaarta koob la’aanta ahayd ay Arsenal soo gabagabayso iyo in niyo jab horleh ay la kulanto bal adba!.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada