U Gaar Dumar-ka : Hab Aad Ku Heli Karto Timo Dhaa-dheer Oo Ifaya

U Gaar Dumar-ka : Hab Aad Ku Heli Karto Timo Dhaa-dheer Oo Ifaya

daajis.com:-Dumarka badankiis waxaa ay jecel yihiin iney yeeshaan timo dhaadheer oo hadana dhaldhalaalaya iney yeeshaan,waxaaney isticmaalaan maadooyin u badan kimiko sidey riyadooda ugu rumoobi laheyd,hadaba waxaan kuu heynaa tijaabooyin yar,laakin waa inaad noqotaa qof u sabra hanaanka oo aadan degdegin, waxaa muhiim ah inaad ogaato in dadka waa ay ku kala duwan yihiin timo korinta.

Ka fogow aaladaha kulul. Aaladaha kulul marka la leeyahay waxaa loo la jeedaa qalabka timaha lagu hagaajiya sida fooneeyahay,kaaska IWM.

Isku day inaad ka fogaatid kuleylka aad ka u badan. Ma jiro wax uga xun timahaaga kuleylkaas. U ogolow timahaaga markaad dhaqdo iney si dabiici ah u qalalaan,waana inaad xadidaa isticmaalka aalada fooneyeyaalka.

Hubo inaad mariso waxyaabo ka hortago kuleylka ka hor inta aadan isticmaalin fooneyaha.
Xusuusnaaw in marwalbo aad isticmaasho kululeeyahay in timahaagu dhaawac ka soo gaaro.

Sin timahaaga: Laga yaabee inaad diido inaad jarto timahaaga sababtoo ah waa ay gaabanaayan,islamarkaana ma korayaan. Marka uu timahaaga dheeraado, waxaa uu caarad hore ka yeeshaa aflaaqo,taasina waa calamaadaha caafimaad darada timaha.

Simida in yar bilkasta waxey yareysaa in qeybta dambe ee timaha jajabka,sababtoo ah waxaa ay xanibtaa caafimaadka korida timahaaga.

Si aad u yeelato timo caafimaadqabo oo dhaadheer,marka ugu horeyso waa inaad iska saartaa dhamaan inta yar ee aan caafimaadka qabin. Hadii uu leeyahay timahaaga jajab inta dambey ah,iska jar waayo ma jirto wado kale aad ku daaweyn kartid inuu kaa joojiyo.


Marka aad iska saarto inta dambe ee timaha jajaban, isticmaalo ku dheqida shampo kadib condition,waxey ka hortagtaa jajab yimaada mustaqbalka.

Isticmaal si qotodheer conditionta hal mar todobaad walba.Saliida xitaa waxaa ay u fiican tahay timaha iyo maqaarka madaxa.



Isticmaal saliida daawada ah si ay kaaga caawiso timahaaga nafaqeynta ay u baahan tahay. Waa inaad ka bilowdaa timo caafimaad qaba,ka hor inta aadan raadin timo dhaadheer.

Timo gaagaaban oo caafimaad qaba,waxey aad uga qurux badan yihiin kuwa dhaadheer.


U cun si sax ah:caafimaaddarada,tabardaro iyo tabardarada timaha waa calaamado cadeynaya iney cunadaadu xun tahay. Hadii jirkaagu aanu heleyn nafaqo ku filan,timahaaguna waa la mid. Sida aad jirkaaga ula macaamisho timahaaga iyo maqaarkaaguba wey saameeyaan.

Xusuusnow iney cunto waxyaabaha ka baxa geed miroodka,cuno qudaarta iyo protien leh. Cab biyo badan.hadii ay jirto baahida,multivitamins waxey door weyn ka ciyaaran inaad hesho vitaminada muhiinka ah ee jirku u baahan yahay.

Isticmaal shanlo weyn.
Ka fogow inaad isticmaasho brushka marka timahaagu qoyan yihiin,timahaagu waxaa aad macquul u ah iney dhaawacmaan. Marka aad shampo marisana aad haka soo xoqin salka hoose,sababtoo ah timahaagu waxey noqonayaan kuwa diciif ah,xitaa haku xoojin shukumaanka u daa iney hawada qalajiso.

Hadii timahaaga isku dhagaayan buraashin la’aanta marka ay qoyan yihiin waxaa markaas kuu wanaagsan inaad ku shanleyso shanlo weyn.shanlada ugu wanaagsan timahaaga waa tan ka sameysan qorida.

Marnaba ha isticmaalin laastikada timaha lagu xero ama biimanka,sababtoo an markaad ka saareyso ayuu si fudud timahaaga u jejebiyaa. Ogow xilliga jiifkana waa muhiim inaad timahaaga ku xerto masar jilcan oo ka difaaca gadgadonka badan ee barkinta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada