Xog Culus: Farxiyo Fiska oo dabagal adag lagu sameeyey lana ogaaday in ay Fanka …

Xog Culus: Farxiyo Fiska oo dabagal adag lagu sameeyey lana ogaaday in ay Fanka …

daajis.com:-Fanaanada Farxiya Axmed Farxiya Fiska oo sanadahan danbe ka soo shaacbaxday dhamaan gayiga Somaliyeed iyo meel waliba oo ay Dadka Soomaaliyeed ay ku nool yihiin waa Xidigta sanadkii 2010 loo doortay in ay aheyd Fanaanadii loogu jeclaa.

Fanaanada Farxiya fiska waxay ku dhalatay magaalada Wabxo ee ka tirsan degmada Ceelbuur gobolka galgaduud, waxay iyadoo yar ay soo gashay dalka Talyaaniga dibadeedna ay markii danbe uga soo wareegtay dalka Ingiriiska oo ay haatan ku nooshahay.

Masrixii ugu horeyay oo ay hees ka qaaday Farxiya Fiska waxaa ku casuumay fanaanada weyn ee Soomaaliyeed Maryan Mursal Ciise oo ku dhiiri galisay hees ay la heyd Fanaanada Maryan Mursal oo ay Fiska jecleyd in ay qaado, sidaana ay markii ugu horeysay masrax soo isaagto ay ka qaaday heestaasi.

Farxiya Fiska oo ilaah ku maneystay luuqad aad u macaan ayaa heesteedi ugu horeysay oo ay qaaday oo ay ku soo caan baxday ay aheyd, heesta Sad iyo calaf inkastoo hees kale ay uga sii horeysay, balse heesta sida weyn ay ugu soo caanbaxday ay aheyd heesta Sad iyo calaf oo ay la qaado fanaanka Diini Cagoos, heestaas oo Ereyada iyo laxanka ba uu la haa isna Abwaan ka sanadka Siciid Sheekh Abuukar Ilka Jiir.

Durba markeey fanaanada Farxiya Fiska ay soo caan baxday, waxaa ay ku shaacbaxday guud ahaan meel walba oo ay Somali ay ku nooshahay, Fanaanada waxaa durbaba ay nasiib wanaag u heshay in ay heesa kale oo cusub ay qaado iyo kuwa hore loo qaadaba.

Fanaanada Farhiya Fiska fanaanad oo kalli ah maaha ee waa Abwaanad da’yar laxamada sameysa, waxay hore u sameysay heesa gaaraya ilaa lix hees oo ay miraha heesahaasi ay iyadu ay qortay iyo kuwa ay hada soo wadaba waa sida ay sheegtay Fanaanaduye.

Farxiya Fiska koleey looga faaloon maayo dhamaan inta fanka Somalida xiiseysa oo waa fanaanad la wada garanoyo, faalo iyo amaan waxaa uga filan codkeeda baxsan oo dhagihii maqlaa durbaba ay soo jiidayaan luuqda macaan marka ay heesaha ku luuqeyneyso.

Sanadkii tagay waxay fanaanadu soo saartay heesa farabadan oo maqal iyo Muuqaal wada ah oo badan kood ay si talantaali ah ay ula qaado fanaaniin kala duwan sida Fu’aad cumar, Cabikhaaliq Maxamed siraad, Cabdi Holan iyo fanaan kale ba.

Fanaanada Farxiya Fiska waxaa loo doortay fanaanadii ugu fiicneyd sanadkii 2010, taas oo ay ku muteysatay luuqdeeda macaan iyo heesaha aan kala dhicin ay soo saartay mudooyin kii ugu danbeeyay.


Kumanaan Somali ah ayaa fanaanada u codeeyay in ay tahay xidigta sanad ka iyadoo fanaaniin farabadan ay kaga guuleysatay codkaasi loo qaaday, waxaana sidoo kale dhanka raga ku guuleystay codeyntaasi fanaanka isna da’da yar Cabdifitaax yare oo noqday fanaankii loogu jeclaa.

Farxiya fiska waxaa dhanka kale dadka Somaliyeed ay ku xasuustan sidoo kale kal hore heesteedii wadaniga aheyd maxaa la isku dilayaa, waxaana sidoo kale sidey sheegtay ay soo wadaa hees wadani ah oo ay fanaanadu curisay maraheeda oo ay ku luuqeyn doonto.

Fanaanada Farxiya Fiska wali fankeedu fara kama qodna, oo dadaal dheeri ah waxay ugu jirtaa sidii ay ku sii horumarin la heyd fankeeda casrigaa, waxayna ku hanweyntahay in ay heer sare ka gaarto mustaqbalka dhow iyo mid ka fog ba.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada