Waa Kuma Xiddiga Xilli Ciyaareedka Ee Manchester City?

Waa Kuma Xiddiga Xilli Ciyaareedka Ee Manchester City?

daajis.com:-Manchester City ayaa ku guuleysatay horyaalka Premier League iyadoo hogaanka heysay kaliya in ka yar 15 maalmood, waxaana ay koobka ka qaateen labo kooxood oo tartan weyn kula jiray Liverpool iyo Chelsea.

Si kastaba, kooxda hanatay horyaalka ayaa u qalantay inay ku guuleysato madaama ay ka faa’ideysatay turaanturoosho kasta oo soo wajahday kooxaha la tartamayay. City ayaa ugu danbeyn isku heysay ciyaartoy waa weyn oo la meel dhigan awoodooda ciyaareed.
Deganaanta tababare Manuel Pellegrini ayaa noqotay mid ay soo dhaweyaan ciyaartoyda islamarkaana ku haboon qaabkooda. Tababaraha reer Chile oo yimid England xagaagii hore ayaana u qalman amaan badan in City ay ku guuleysato Premier League xilli ciyaareedkan.
Waxaana sidoo kale eegeynaa ciyaartoyda la is dhihi karo waa ay ugu fiicnaayeen xilli ciyaareedkan kooxda Manchester City.  Waxaana soo bandhigeynaa seddex ciyaaryahan ee ugu qaab ciyaareedka fiicnaa kooxda xilli ciyaareedkan.


 YAYA TOURE |Khad Dhexe
Waa wax weyn in laga dhex muuqdo koox ay ka buuxaan xiddigo badan oo heer caalami ah kuwaasoo ku fadhiya lacago qaali ah, laakiin 10kii bilood ee ugu danbeysay Yaya Toure ayaa ku guuleystay inuu sidaasi sameeyo.
Isku darka farsamadiisa iyo awoodiisa jir ahaaneed iyo hogaamintiisa ayaa ka dhigtay ciyaaryahanka ugu dhameystiran horyaalka xilli ciyaareedkan. Isla ninkii ciyaaray daafac dhexe kulankii finalka 2009 ee Barcelona ee Champions League ayaa noqday ciyaaryahanka kaliya ee labaad ee khad dhexe ee taariikhda Premier League ee dhaliya 20 gool oo horyaalka ah hal xilli ciyaareed.
 SERGIO AGUERO | Weerar
Haddii uusan wajihi laheyn dhaawacyo badan, shaki kuma jiri laheyn in Sergio Aguero uu ka mid ahaan lahaa xiddiga ugu horeeya ee u tartamaya abaalmarinada xilli ciyaareedka.
Waxa uu tartan kula geli lahaa abaalmarinada PFA iyo FWA xiddiga ku guuleystay labadaas abaallmarin ee Luis Suarez iyo Yaya Toure oo soo ciriirsaday tartamadaas, laakiin xiddiga reer Argentina waxa uu gacan ka geystay inuu markii labaad seddex sanno gudaheed City u qaado horyaalka.
Ma aysan aheyn sannadkii ugu fiicnaa ee Aguero laakiin waxa ay u aheyd mid ka mid ah xilli ciyaareedyada xusuusta u leh. 17ka goo lee uu dhaliyay ayaa ka dhigtay xiddiga afaraad ee ugu goolasha badnaa Premier League, isagoo in ka yar sided kulan ciyaaray raga ka sareeya.

 DAVID SILVA | Khad Dhexe
Haddii Yaya Toure uu ahaa wadnaha khadka dhexe ee Manchester City islamarkaana Aguero uu ahaa weerarkooda halista ah, markaas David Silva waa maskaxda kooxda ee isku xirta ciyaartoyda oo dhan.
Waxaana taas cadeyn u ah in 11kii kulan ee kooxda Manuel Pellegrini ay dhibco dhumisay xilli ciyaareedkan in inkabadan kala bar kulamadaas uu maqnaa xiddiga reer Spain


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada