Ahlu sunna:- oo isku diyaarisay qorshe ay damacsan yihiin Alshabaab

Ahlu sunna:- oo isku diyaarisay qorshe ay damacsan yihiin Alshabaab

daajis.com:-Alshabaab ayaa horay u shaaciyay inay kordhin doonaan dilal iyo weerarada ay geysanayaan inta lagu gudo jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan, iyadoo looga bartay falalkaasi xili walba Ramadaanka marka la gaaro.

Ururka Ahlu sunna ayaa dhankooda sheegay inay ka warheleen qorsha ay damacsan yihiin Alshabaab, ayna sameeyeen diyaar garow ku aadan sidii ay isaga difaaci lahaayeen weerarada ay geysanayaan ururka Alshabaab.

Sheikh Isaaq Xuseen Mursal oo kamid ah saraakiisha sar sare ee ururka Ahlu sunnada Koofureed ayaa sheegay inay ka warheleen ujeedooyinka Alshabaab ay ka leeyihiin gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay diyaariyeen ciidamadii fashilin lahaa arintaasi, maadaama sida uu sheegay ay difaacayaan shacabka ku dhaqan gobolka Gedo.

“Waxay yiraahdeen soonka ayaan weeraraynaa, waxaan ognahay inaysan laheyn awoodii hore waana ka warheylnay qorsheyaal ay ka damacsan yihiin gobolka Gedo”sidaasi ayuu yiri Mr Mursal.

Alshabaab ayaa dhankooda sheegay inay geysan doonaan dagaalo iyo weeraro ka dhaca goobaha ay ka taliso dowlada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda sameysay ciidamo ay ugu magac dartay “Nabad ku anfur”, waxaana madaxda dowlada ay sheegeen inay xaqiijin doonaan amaanka dalka Soomaaliya

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada