R/wasaaraha oo hambalyo ku aaddan bisha Ramadaan u diray shacabka

R/wasaaraha oo hambalyo ku aaddan bisha Ramadaan u diray shacabka

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed ayaa hambalyo ku aaddaan dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan u diraya Muslimiinta oo dhan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Wuxuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed:

“Anigoo ku hadlaya magacayga, kan Xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed, waxaan si farxad leh idiinla soo dhaweynayaa bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan. Waxaan idin leeyahay farxad iyo caafimaad ku sooma, farxad ku afura, farxadna ku cibaadaysta.

“Bishan waa bishii sadaqada, waa bishii Qur’aan aqriska, waana bishii dambi dhaafka. Waxaa waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah inuu cafiyo walaalkiis.

“Waxaa dalka ka jira abaaro iyo xaalado adag oo saamayn ku yeeshay dad iyo duunyaba. Xukuumaddu waxay mar walba ku dadaaleeysaa inay shacabka gaarsiiso wixii gargaar ah oo ay awooddo. Sidoo kale, dadka wax haysta waa iney taageero u fidiyaan dadka ku dhibaataysan xerooyinka barakacayaasha iyo gobollada dalka. Waxaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka ka codsaneeynaa in ay u gurmadaan dadka walaalahood ah oo aan haysan waxay ku afuraan.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in bishan Ramadaan ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in ay isu naxariistaan, is caawiyaan, isna cafiyaan. Wuxuu Eebbe ka baryey in bishan barakeysan ee Ramadan fadligeeda uu ugu dambi dhaafo Muslimiinta oo dhan, isla markaana dhex dhigo naxariis iyo nabad ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.


Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay kooxaha dadka ku dhibaateeya fahanka khaldan ee ay Islaamka ka haystaan inay ka noqdaan khaladaadkooda oo ay dadkooda dhinac ka raacan, dambi dhaafna Alle warsadaan, baddalkii ay dad Muslimiin ah oo sooman dhibi lahaayeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada