Akhriso Shir ay wada yeesheen Odayaasha Hawiye oo laga soo saaray 7-Qodob oo Madax-xanuun ku riday Madaxda Dalka.

Akhriso Shir ay wada yeesheen Odayaasha Hawiye oo laga soo saaray 7-Qodob oo Madax-xanuun ku riday Madaxda Dalka.

daajis.com:-Shir ay ay yeesheen Xildhibaannda,Siyaasiyiinta,Oday Dhaqameedyada,Culumaa uddiinka, Haweenka iyo Ururrada Bulshada ee Beelaha Hawiye muddaddii u dhaxeysay 23– 26 Juun 2014,ayna kaga doodeen arrimaha siyaasadda dalka waxayna soo saareen baaqa hoos ku qoran:


1) Beeshani ma aqoonsana heshiis ku sheeggii lagu saxiixay Madaxtooyada J F S 23kii Juun 2014,laguna aqoonsaday Dhismaha Maamul KMG ah oo ay yeeshaan 3da Gobol ee kala ah (Bay,Bakool iyo Shabeellada Hoose),kaasoo ka hor imaanaya Dastuurka KMG iyo Shuruucda dalka u degsan.Waxay si ula kac ah Madaxdii Qaranku u jebiyeen Qod.49aad(faq.1-6), Qod. 4aad, Qod.97aad,Qod.104aad iyo Sharciga, lam.6 (faq.1-11) ee maamul u sameynta iyo federaaleynta dalka oo uu saxiixay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.Shuruucdaas oo tilmaamaya in habka Federaaleynta dalku ku imaanayo rabitaanka shacabka ee uusan ku imaanayn in dadka kor looga keeno maamul ayan iyagu ku heshiin

2) Waxaa lagu xadgudbay xuquuqda iyo rabitaanka beelaha dega Gobolladaas oo ay Beesha Hawiye ka mid tahay,iyadoo aan haba yaraatee lagala tashan maamulka halkaas lagu aqoonsaday,taasoo micneheedu yahay in masuuliyiintii ugu sarreysay dawladda ay hurinayaa colaad beeleedyo hor leh,oo u keeni doonta Somalia xasillooni darro iyo dibu-dhac siyaasadeed.

3) Waxaa heshiis ku sheeggii 23kii Juun 2014 lagu xalaaleynayey Heshiiskii sharci darrada ahaa ee Addis-Abeba lagu saxiixay Saannadkiin 2013kii, laguna soo dhisay Maamulka KMG ah ee Jubbooyinka,kaasoo ay weli taagan tahay dhibaatooyinkii ka dhashay

4) Beeshani waxay ka xuntahay hadalkii deel-qaafka ahaa ee uu goobtaas kaga hadlay Wakiilka IGAD Maxamed Abdi-Afey oo uu ugu hanjabay cid kasta oo dhaliisha Heshiis ku sheeggaas sharci darrada ah,isagoo meel uga dhacay maamuuskii dibloomaasiyadda,kuna xad gudbay madaxbannaanidii iyo qarannimadii Somalia,waxaanna u aqoonsanay in yahay qof-soo-dhoweyn aan mudnayn (Persona Non Grata)

5) Beesha Hawiye waxay nabad iyo wada noolaasho ugu baaqaysaa Beelaha kale ee Soomaaliyeed ee ay wada degaan,iyadoo ugu baaqeysa in colaadda Shabeellaha Hoose lagu dhammeeyo wada xaajood iyo isafgarad gogol nabadeedna la isugu keeno bulshada walaalaha.

6) Beeshu waxay uga baaqeysaa urur goboleydyada iyo beesha caalamka in joojiyaan faragelinta iyo ku xadgudubka shuruucda iyo siyaadada dalka iyo iska horkeenista iyo curinta colaadaha sokeeye.Waxaan beesha Caalamka ugu baaqeyna in ay nagu taageeraan dib u dhiska dowladnimo, dib u heshiisiinta ummaada Soomaaliyeed iyo dhowrista sharciyada dalka.
ARRIMAHA FEDERAALEYNTA DALKA
7) Beeshani waxay aaminsan tahay in lagu dhaqmo Dastuurka iyo Shuruucda dalka u degsan, iyo maamul samaynta iyo federaalaynta dalkana in loo maro qaab sharciga waafaqsan.Waxay Beeshani aamminsan tahay in Federaaleynta ku dhisan habka qabiilka (Clan Federalism) ay dalka u horseedi doonto xasillooni darro iyo colaado qabiil oo soo cusboonaada,sida haddaba muuqata waxayna usoo jeedinayaan Beelaha kale ee Soomaaliyeed in arrinkaas aragti mideysan laga yeesho,Dasuurkana wax laga bedddelo si loo ilaaliyo wadajirka ummadda iyo midnimada qaranka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 01:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada