AKHRSIO Hoggaamiyayaasha ugu isticmaalka badan Caalamka Twitter-ka

AKHRSIO Hoggaamiyayaasha ugu isticmaalka badan Caalamka Twitter-ka

daajis.com:-Hoggaamiyayaasha Dowladaha ilaa Ardayda Dugsiyadda ayaa si darandoori u adeegsada isticmaalka Aalladda Twitterka oo ka mid ah Warbaahinta ay Bulshadad ku wada xiriiraan.

Hoggaamiyayaasha Qaaradda Afrika ayaa iyaga ugu badan Hoggaamiyayaasha sida joogtadda u adeegsata Twitterka, iyadoo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta Hoggaamiyaha AFrikaanka ee Taageerayaasha ugu badan ku leh Twitterka.
Waxa Kaalinta Labaad ku jira Madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kagambe, halka kaalinta saddexaad uu ku jiro Hoggaamiyaha dalka Koonfurta Afrika, Jocob Zuma.
Uhuru Kenyatta oo xilka Madaxtinimadda haya wax ka badan hal sanno ayaa waxaa uu leeyahay macaamiil tiradoodu dhan tahay 456,209 Taageerayaal (Followers)
Madaxweynaha Rwanda oo kaalinta Labaad ku jira, isagoo talada dalkaasi qabtay sannadkii 2000, waxaa macaamiil Twitterka kula ah 408,353 Followers.
Madaxweynaha dalka Koonfurta Afrika. Jocob Zuma waxa uu kaalinta saddexaad kaga jiraa Hoggaamiyayaasha Dowladda Afrika ee inta badan Twitterka adeegsada, wuxuuna leeyahay 325,896 Followers.
Ra’isul-wasaaraha dalka Uganda, Amama Mbabazi ayaa isagana ka mid ah Madaxda Dowladaha Caalamka ee sida aadka u kasbaday taageerayaasha ku xiran Twitterka
Hoggaamiyaha Caalamka ugu taageeradda badan Twitterka ayaa ah Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama (@BarackObama), waxaana taageerayaal ama saaxiibo ku leeyahay Twitterka ayaa dhan 43 million followers.
Cinwaanka kale ee uu Ololaha u adeegsado Obama eePope Francis (@Pontifex) waxa uu ku kasbaday saaxiibayaal tiradoodu dhan yihiin 14 million followers.
Barack Obama ayaa ah Hoggaamiyihii ugu horreeyey Caalamka ee samaystay Cinwaanka Twitterka bishii March 5th 2007, isagoo xilligaasi u isticmaalay cinwaanka Senator Obama, isagoo user numberkiisu ahaa 813,286.
Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama ayaa isagana 95% waxa uu ku tweet gareeyaa @replies, sida lagu shaaciyey daraasaad ay sameysay Twiplomacy.
Madaxweynaha dalka Indonesia, Susilo Bambang Yudhoyon (@SBYudhoyono) waxa uu isagana saaxiibo ku kasbaday Twitterka, kuwaasi oo dhan 5 million followers.
Ra’iusl-wasaaraha cusub ee dalka India, Narendra Modi waxa uu kaalinta Shanaad kaga jiraa Liiska Hoggaamiyayaasha Caalamka ee ugu isticmaalka badan Twi-tter-ka, wuxuuna leeyahay 4,967,847 followers.
Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa isagana Twitterka ku leh Taageerayal dhan 4,976,734 followers.
Daraasadda waxaa kaloo lagu qiimeeyey Qaabka ay Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Calamaka ugu kala horreeyaan isticmaalka Twitterka, waxaana qiimeynta Kowaad ku soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Faransiiska, Laurent Fabius oo leh cinwaanka (@LaurentFabius).


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 02:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada