Madaxtooyada oo ka laabatay Xil ka qaadista Taliyaha Ciidanka Xooga, Abaan-dulaha iyo Khilaaf baaxad weyn oo ka taagan

Madaxtooyada oo ka laabatay Xil ka qaadista Taliyaha Ciidanka Xooga, Abaan-dulaha iyo Khilaaf baaxad weyn oo ka taagan

daajis.com:-War kaoo baxay Madaxtooyada Somalia, ayaa shaki galinayo in xilka laga qaaday Taliyaha Ciidanka Xooga DFS General Daahir Aadan Cilmi ‘’Indha qarshe’’ iyo Abaan Duulaha General C/risaaq Khilaaf Cilmi.

Illo wareed ku sugan Villa Somalia ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka dhashay xil ka qaadista Labadaasi Taliye, waxa uuna Khilaafka sababay in Dowlada Somalia gaar ahaan madaxweynaha Dowlada uu shaki galiyo xil ka qaadistaasi.

Dowlada ayaa xil ka qaadistaasi ku bedeshay mid been abuur ah, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Beesha Taliyaha Taliyaha Ciidanka Xooga DFS General Daahir Aadan Cilmi ‘’Indha qarshe’’ ay ku hanjabtay inaysan la shaqeyn doonin Dowladda waa haddii aan laga laaban xil ka qaadistaasi.
Xog hoose ayaa tilmaameysa in Xil ka qaadista Labada taliye uu salka ku haayo ka gadaal markii lagu eedeeyay inay lug ku lahaayeen Dagaalo beeleedyada ka socda Magaalada Marko.

Saraakiisha Beesha Biyo-maal ayaa iyagu Dowlada u gacan galshay Sawiro laga soo qaaday Dagaalada ka socdo Marko Sawiradaasi oo ka turjumaayay Ciidamo ka kala tirsanaa kuwa Taliyaha iyo Abaan-duulaha oo ka barbar dagaalamaayay Maleeshiyaadka Beesha Habargidir, taasi oo sahashay in labadaasi Taliye ay xilka wayaan.

Dhanka kale, wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Khilaafka uu weli taagan yahay islamarkaana Beelaha labadaasi Taliye ay farqaha heystaan Madaxweynaha, Wasiirka gaashandhiga, waxaana laga yaaba in halis ay ka dhalato hadii ay dhacdo in Madaxweynaha uu ka laabto xil ka qaadista Taliyaha Ciidanka Xooga DFS General Daahir Aadan Cilmi ‘’Indha qarshe’’ iyo Abaan-duulaha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 02:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada