Puntland oo ka digtay inay Al-Shabaab qalqal geliso amniga

Puntland oo ka digtay inay Al-Shabaab qalqal geliso amniga

daajis.com:-maamulka Puntland ayaa ka digay in ay Al-Shabaab qalqal gelin karto nabadgelyada inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar ayaa bulshada u soo jeediyay in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo xasilloonida inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, isagoo sheegay in ay suurtagal tahay in ay Al-Shabaab qalqal geliso
nabadgelyadda.
Wuxuu kula taliyay ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland iyo qeybaha bulshada in ay iska kaashadaan ilaalinta amniga iyo inay ka hor tagaan wax kasta oo dhibaato ku keeni kara xasilloonida deegaannadaas.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabada 26-ka June ee markii ay xornimada qaateen gobollada waqooyi ee Soomaaliya oo maanta lagu qabtay magaalada Garoowe.
Cabdixakiim ayaa xusay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay dadaal dheer u soo galeen ka shaqeynta nabadgelyada, marka taariikhda dib loogu noqdana ay kaalin fiican ku lahaayeen halgankii gobannimo-doonka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 02:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada