Ciidamada Soomaaliland oo isaga baxay Taleex

Ciidamada Soomaaliland oo isaga baxay Taleex

daajis.com:-Waxaa maanta isaga baxay degmada Taleex ee gobolka Sool ciidamadii Soomaaliland ee dhawaan halka la wareegay,waxaana ay ku sugnaayeen tan iyo 12-kii bishan.
Dadka deegaanka oo daajis la hadlay waxaa ay sheegen inay ciidamadu ka guuren fariisamadii ay ku laahaayen Taleex,iyadoo aysan jirin wax awood ah oo ka horyimid kaddib muddo oo ay halka ku sugnaayeen.
Ma jirto wax hadal ah oo wali ka soo baxay mas’uuliyinta degmada,Soomaaliland wali kama aysan hadlin ciidamadeeda ka guuray Taleex oo ka mid ah deegaannada ay ku muransan-yihiin Puntland iyo Soomaaliland.
Labo maalin ka hor waxaa Taleex tagay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Soomaaliland,waxaana waftiga hoggaaminayey wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancade, waxuuna dadka deegaanka uu u ballan-qaaday dhism
ayaal iyo ciidammo kala duwan ah inay sameynayaan.
Puntland ayaa dhowr mar sheegtay inay Soomaaliland ku soo duushay deegaannadeda,waxaana ay beesha caalamka ku wargalinyeen inay ciidanka Soomaaliland ka baxaan deegaannada xadduudka ku yaalla.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo maanta hadlay waxaa uu sheegay inay Puntland soo ceshan doonto deegaannada ay ku sugan-yihiin ciidanka Soomaaliland.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 02:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada