Madaxwayne Xasan Shiikh oo kulan Deg deg ah la yeeshay Wasiirada iyo Xildhibanada ka soo jeedo Beesha Hawiye!!

Madaxwayne Xasan Shiikh oo kulan Deg deg ah la yeeshay Wasiirada iyo Xildhibanada ka soo jeedo Beesha Hawiye!!

daajis.com:-Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo ku sugan Villa Somalia, ayaa shabakadani daajis u xaqiijiyay in Khilaafaatka u dhexeeyo Dowlada uu maraayo heer kii ugu adkaa oo ay ku kala ir-dhooben Madaxda Dalka.

Warar hoose oo aanu helnay ayaa xaqiijinaayo in Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud uu kulan Deg deg ah la yeeshay Wasiirada iyo Xildhibanada ka soo jeedo Beesha Hawiye ee ka baaqday kulamadii ugu dambeeyay ee Dowlada.
Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in kulanka oo ahaa mid xasaasi ah uu ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Somalia, waxaana la aaminsan yahay in kulankaan deg degta ah uu ka danbeeyey ka dib markii Odayaasha Hawiye ay ku baaqeen in Wasiirada iyo Xildhibaanada Hawiye aysan ka qeybqaadan doonin kulan waliba oo khuseeya Madaxda Dalka.
Madaxweynaha oo ay ka muuqatay dabacsanaan Siyaasadeed, ayaa waxa uu Wasiirada iyo Xildhibaanada kala hadlay go’aanka ay Dowladu ku aqoonsatay Maamulka Saddexda Gobol iyo Baaqyada ay soo saaren Odayaasha Hawiye, waxa uuna ku wargaliyay in Wasiirada iyo Xildhibaanadu ay Mas’uul ka yihiin Dalka iyo dadka islamarkaana aysan mas’uuliyad u heynin Odayaal dan gaar leh.

Nasiib daro Xog hoose waxa ay Tibaaxeysaa in Madaxweynaha DFS uu ku gacan seyray inuu xal ka gaaro arrinta maqnaanshaha ee Wasiirada iyo Xildhibaanada ku aadan kulamada Dowlada.
Madaxweynaha,Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa ku kala kacay kulanka, waxaana la tilmaamayaa in Madaxweynaha uu ballan qaaday inuu kulan labaad Mas’uuliyiintaasi u qaban-doono balse inta kulankaasi laga gaarayo ay Wasiirada iyo Xildhibaanada joogteeyan kulamadooda.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale, Wasiirada iyo Xildhibaanada u ballan qaaday in kulan muhiim ah uu u qaban doono Odayaasha Hawiye si uu uga dhaadhacsiiyo Ujeedka ka dambeeyay aqoonsiga Maamulka Seddexda Gobol. 
Dhanka kale, Wasiirada, Xildhibaanada iyo Odayaasha Hawiye ayaa lagu wadaa in maalinta bari ah ay kulan ka yeeshaan arrinta aqoonsiga Maamulka Seddexda Gobol iyo Codsiyada kasoo baxay kulanka ay la qaateen Madxaweynaha Dowlada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 13:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada