Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Gobolka xeebta ee Kenya

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Gobolka xeebta ee Kenya

daajis.com:-Al-Shabaab ayaa goor dhow sheegatay inay mas’uul ka aheyd weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee xalay ka dhacay deegaanka Mpeketoni oo ka tirsan Jaziirada Lamu ee gobolka Xeebta ee Kenya.

War kooban oo la soo geliyay bogga Somalimemo ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay Al-Shabaab ka dambeeyeen looguna aar-gudayay Culimada Muslimiinta ee lagu laayay magaalada Mombasa, ayna fuliyeen tiro ka mid ah dagaalyahanadooda.

Weerarkan qasaaraha badan dhaliyay ayaa waxaa ku dhintay ilaa 48 ruux, markii dabley hubeysan ay gudaha u galeen deegaanka Mpeketoni, oo ay ku yaaleen Hotelo, Bankiyo iyo saldhig boolis ay ku toogteen dad u badnaa rag.
kenya2014

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Gobolka xeebta ee Kenya.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dadka badankood lagu laayay goob lagu daawanayay ciyaaraha Koobka aduunka, sidoo kale waxaa ay dab qabadsiiyeen dableydan dhismayaal hotelo, banki iyo baabuur badan oo tiil banaanka hotelka.

Booliska Kenya ayaa goor sii horeysay sheegay in weerarkaas uu uga shakisan yahay inay ka dambeeyeen Kooxda Shabaab.

Waa weerarkii labaad ee ugu qasaaraha badnaa ee Al-Shabaab ku qaadaan Kenya, tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Westgate ee bishii September lagu qaaday, kaasoo ay ku dhinteen ku dhowaad 67 ruux.

Wixii ku soo kordha wararkeena dambe kala soco




















FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada