Alshabaab oo mar kale weeraro la maagan Jabuuti

Alshabaab oo mar kale weeraro la maagan Jabuuti

daajis.com:-Dowlada Ingiriiska ayaa Jabuuti uga digtay weeraro ay Alshabaab mar kale la damacsanyihiin ineey dalkaasi ka geystaan.


Weerar is miidaamin ahaa oo todobaadyo ka hor ka dhacay maqaayad ku taal Caasimada Jabuuti, waxaa masuuliyadeeda sheegtay kooxda shabaab.


Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay ka go’an tahay inay weerarro la beegsato dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo ay ku jiraan Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo saddexduba daris la ah Soomaaliya.


“Waxaa jira warar lagu kalsoon yahay oo muujinaya in Al-shabaab ay doonayso in ay weerarro argagaxiso ka geysato bartilmaameedyo muhiim ah oo ku yaalla dalka Jabuuti, kuwaasoo ay ku jiraan goobaha ay ku sugan yihiin dadka reer galbeedka ah,” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka Britain.
 
 
“Sababaha keenaya in Jabuuti iyo danaha reer galbeedka ee dalkaas ku yaalla ay Al-shabaab beegsato waa kaalinta ay Jabuuti ku leedahay howlgalka AMISOM iyo sidoo kale marti-gelinta saldhigyada dalalka reer galbeedku ay ku leeyihiin Jabuuti,” ayaa lagu yiri warbixinta xafiiska.
Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo toddobaadkan ay Britain ay muwaadiniinteeda ku sugan dalalka Bariga Afrika sida Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Uganda oo gabi ahaan ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya ay ka digtoonaadaan inay tagaan meelaha ay dadweynuhu ku daawanayaan ciyaaraha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada