Sarkaal Alshabab katirsan oo Ciidanka Kenya isku dhiibay

Sarkaal Alshabab katirsan oo Ciidanka Kenya isku dhiibay

daajis.com:-Sarkaal katirsan Ururka Alshabaab dhalasho ahaana kasoo jeedaay dalka Ruwanda, ayaa lagu soo waramayaa inuu isku dhiibay Ciidamada Kenya ee Mandheera ku sugan.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Pascal Bizmungu, magaciisa Xarakiga ahna lagu magacaabo C/risaaq, ayaa dhamaadkii todobaadkan isku dhiibay Ciidamada Kenya ee kusugan Xuduudka mandheera.’

Pascal Bizmungu, ayaa la sheegay inuu Orod ku galay Maxkamad ku taal Mandheere, dabadeedna uu Ciidanka u sheegay inuu kasoo baxsaday Hogaamiyaha Alshabab Godane, kaasoo waayadaanba waday ugaarsiga Saraakiisha ajnabiga ah ee Kooxdiisa ka tirsan.

Ninkan ayaa Amiir u ahaa ilaa 50 dagaalyahan, kuwaasoo u xilsaarnaa Weerarida Ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Somalia.


Ninkan ayaa la sheegay in markii ugu horeysay isaga oo agoon ah uusoo galay dalka Kenya sanaddii 1996-kii, halkaasi oo uu ku koray magaalada Mombasa, ka hor inta uusan ku biirin kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan u dul qaadan waayey tacaddiyada joogtada ah ee Axmed Godane waana iska soo cararay” ayuu yiri.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada