Mareykanka oo Shaaca ka qaaday Tirada Dhalinyaradii ugu dambeesay Soomaali Mareykanka ah oo biiray Dagaalada kasocda Dalka..

Mareykanka oo Shaaca ka qaaday Tirada Dhalinyaradii ugu dambeesay Soomaali Mareykanka ah oo biiray Dagaalada kasocda Dalka..

daajis.com:-Hay’adda FBI,da Maraykanka ayaa mar kale sheegtay in in ka badan 10
dhalinyaro Soomaali ah oo Maraykanka ku noolaa inay u safreen wadanka
Syria iyaguu ku biiray kooxaha u dagaalama Al-Qacidada dagaalka kula jirta dawlada Syria ee uu hogaamiyo M/weyne Bishar Al-Asad.

Afhayeenka xafiiska FBI,du ku leedahay Minneapolis Kyle Loven, ayaa sheegay inay hayaan xog ku saabsan in illaa iyo 15 ruux oo Soomaali ah ay bilihii lasoo dhaafay ka tageen wadanka Maraykanka ayagoo aaday dalka Turkiga kadibna ay uga sii gudbeen dhanka dalka Syria ayagoo ku biiray ururka Al-Qacida qeybta ka dagaalanta Syria iyo Ciraaq.

Kyle Loven, waxaa uu xusay in xogta ay hayaan ay sheegeyso inb dhalinyarada Soomaali Maraykanka ah ee Al-Qacida ku biiray ay haddaba dagaal ku jiraan ayagoo ka bar bar safan dagaalamayaasha Al-Qacida ee doonaya inay xoog xukunka uga tuuraan dawlada Syria.


Sargaalkaan FBI,da Maraykanka u hadlay waxaa uu hadalkiisa ku sheegay inay hadda wadaa baaris ay ku doonayaan inay ku ogaadaan cidda dhalinyarada Soomaaliyeed ku dhiiri galisa ku biiritaanka ururada Al-Qacida ku xiran ee haddana safarada u fududeysa.

Sanadihii 2007, 2008 illaa 2009 illaa labatameeyo dhalinyaro Soomaali ah ayaa la sheegaa inay inta Maraykanka kasoo tageen ay ku biiraan Xarakadda Al-Shabab oo ay dagaalameen qaarna meelo ka mid ah Soomaaliya ayay isku qarxiyeen.

Maalin ka hor dawlada Ciraaq waxay sheegtay in duqeyn ay diyaaradaheeda ka geysteen meel u dhaw magaalada Falluja oo Al-Qacida ay xarun ku laheyd inay ku dishay muwaadin Soomaaliyeen oo Al-Qacida ka tirsanaa Dalka Syria oo muddo sadex sanno ah dagaal ka socda waxaa la aaminsan yahay inay tageen dhalinyaro dhawr wadan u kala dhalatay oo ka kala tagay wadamo reer galbeed ah.


Dhawaan dawlada Maraykanku waxay sheegtay in ruux kasoo jeeda gobolka
Florida ee dalka Maraykanka oo la oran jiray Max’ed Abu Salxa uu noqday shaqsigii ugu horeeyay ee Maraykan ah oo Syria fal is qarxin ah ka sameeya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada