Dhac Nuuc cusub oo cabsi badan ku beeray shacabka oo ka bilowday Magaalada Muqdisho

Dhac Nuuc cusub oo cabsi badan ku beeray shacabka oo ka bilowday Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa aad uga walaacsan dhac nuuc cusub ah oo kusoo kordhay Magaalada Muqdiho kaa oo la tuhmayo in ay ka dambeeyaan ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ama kuwa soo xirta dareeska Ciidanka.

Dhacan cusub ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay xaafado kala duwan oo kuyaala Magaalada Muqdisho , waxaana dhaca geesanaya rag qaarkood kulabisan dareeska ciidanka Dowlada kuwaa oo wata qoryo iyo biskoolado.

Kooxaha burcada ayaa sidoo kale adeegsanaya gaadiid waxa ayna qofka ay u arkaan in uu wato lacago ,moobeel qaali ah iyo Cumputerada gacanta waxa ay ku horgoonayaan gaariga ay wataan iyagoona xiligaa kadib garaacis ku bilaabaya iyaga oo ku hadaaqaya hadalo ah inuu qofkaasi Shabaab yahay una wadayaan saldhiga si loo baaro.

Kooxahan Burcada ayaa qofka ay wadanayaan ku garaaca qorayga baadkiisa waxa ayna ka xirayaan indhaha iyagoona gaariga ku dhax tuura , waxaana dhacda in gaariga lagu qaaday qofka dhibanaha ah in lagu wareejiyo qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ugu dambeyna markii la geeyo meel fog laga qaato waxa uu wato kadibna jidka lagu tuuro.

Dhacan Cusub ayaa noqday mid dad badan cabsi ku beera kuwaa oo hada bilaabay in ay ka fogaadaan goobaha ay ku badan yihiin kooxahan burcada Cusub ee dadka isaga dhiga in ay yihiin Ciidamo katirsan Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay wax ka qabtaan dadkan wata dareeskooda dadkana dhacaya iyaga oo iska dhigaya ciidanka Nabad Sugida, taa oo keeni karta hadii aan laga hortagin in ay dadku ka shakiyaan kana cararaan meeshii ay ku arkaan askari katirsan Ciidanka Dowlada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada