Baro Ee ka Faa'ideyso Faa'idada Ay Leedahey Salaatu Tasbiix.

Baro Ee ka Faa'ideyso Faa'idada Ay Leedahey Salaatu Tasbiix.

daajis.com:-Salaatu Tasbiix:- Salaatu Tasbiix waxey ka kooban tahay 4 Rakacadood.

waxaa ladugadaa xiliga ama waqtika Duhurka marka lagaaro.
Rakacad walbo waxaaad aqrineysaa Faatixada iyo Suurat kale waa sida salaadaha  kale laakiin waa suna oo Farad ama waajib ma ahan, Rakacad walba ama rakacad kasta 75 jeer ayaad aqrineysaa.
 "سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر".
Lix moowqiic ama goobood waa 10 tuban. Hal midna waa 15 jeer.


_________________________________________________
*Taaknida 1 aad markaad aqriso suurata Faatixada iyo suurata kadanbeysa markaad dhameyso 15 jeer ayaad aqrineysaa.
*Markaad Rakuucda waxaad aqrineysaa 10 jeer.
*Markaad Gor usoo gacda waxaad aqrineysaa 10 jeer.
*Markaad mareyso Sajuuda 1 aad waxaad aqrineysaa 10 jeer.
*Maarkaad fadhiga udhaxeeya 2ada sajuud mareyso waxaad aqrinesaa 10 jeer.
*markaad sajuuda 2 aad mareyso waxaad aqrineysaa 10 jeer.
*Inta aadan istaagin waad hakan oo waxaad aqrin 10 jeer.
totalka waa 75 jeer marka rakacad walbo waxaad aqrin 75 jeer oo 4 Rakacaad ah.
75x4 = 300 oo Tasbiix.
Faa'idada ay leedahay Salaatu Tasbiixa.
Nabigeena Muhammad SCW ayaa waxaa uu ku dhahey Adeerkiis Cabaas makuu sheegaa wax faa'ida badan oo qeyr badan.

Danbigaada midka yar, Midka weyn, midkii hore iyo kan danbe, kii cusub iyo kii qadiimi ahaa ee hore oo Danuubtaas oo dhan ama danbiyadaas oo dhan lagaa dhaafayo.

Markaas ayuu nabigu Salaataan baray SCW. Waxaa uu yiri hadii aad abooda Salaatan mar dugo.

--------> Maalintii mar dugo, Hadey kuugu adkaado Isbuucii mar dugo, hadii kuugu adkaado Bishii mar dugo, hadii kuugu adkaado Sanadkii mar dugo, Hadii aad kariweydana cimrigaada intii aad nooshahay mar dugo.

Sida loo dugada Salaatu Tasbiix iyo Fadligeeda halkaa ayaan kusoo gaba gabeynayaa.

-> Asalkuna waa xadiiisaka Nabiga CS Adeerkii Cabaas uu lahadlayay Lagana wariyay Cabdulaahi Ibnu Cabaas RC.
Halkaan ka Daawo Sheekh Shibili oo Sharaxaya Salaata

w/Q:- Eng.Ibrahim Ali (deercali)

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada