Paul Kigame:- waxaan u jeclahay si ka daran Madaxweynaheyga Xasan

Paul Kigame:- waxaan u jeclahay si ka daran Madaxweynaheyga Xasan

daajis.com:-Danjiraha Somalia uga wakiilka ah dalka Ruwanda, Ambassador Abdullahi Sheikh Mohamed ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka Rwanda uu si ka daran Madaxweynahiisa Xasan Sheekh uu u jecel yahay.

Danjiraha oo lagu dhex wareystay Xarunta Safaaradda Somalia ku leedahay caasimadda dalka Rwanda ee Kigali waxa uu sheegay inuu ka tirsan yahay Golaha maamula dalka Somalia ee awooda gacanta ugu jirto.

“Cidna igama eryi karto xilka. u Sheeg haddii uu yahay Wasiirka Arrimaha Dibedda inaan leeyahay awood aan xilka kaga casili karo. waxaan dhex fadhiyaa Golaha Somalia ee qorshaha u dejiya Somalia” ayuu yiri Danjiraha.

Waxa uu intaasi ku daray inuu dalka Rwanda Isbahaysi muhiim la yahay Somalia, isla markaana aanan la xiri donin Safaaradda Somalia ku leedahay Rwanda.
danjire
Hadalkiisa ayaa waxa uu yimid iyadoo la hada-hayo inay in Xukuumadda Federalka Somalia u yeeri doonto Danjirahan, isla markaana dhaqaale xumo darteed loo xirayo Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Ruwanda.

Dhinaca kale, Ambassador Abdullahi Sheikh Mohamed waxa uu Wareysigiisa ku sheegay inuu Madaxweyne Xasan Maxamuud ka jecel yahay Madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kigame.


“Waxaan Madaxweyne Paul Kigame u jeclahay si ka badan Jacaylka aan u hayo Madaxweynahayga” ayuu yiri Abdullahi Sheikh Mohamed, oo intaasi ku daray inuu rabi lahaa haddii uu Paul Kigame noqon lahaa Madaxweynaha Somalia.

Waxa uu Wareysigiisa ku xusay in Soomaalida ku nool Rwanda ku nool yihiin nabad iyo sharaf, inkastoo ilo xogogaal sheegayaan in Danjiraha iyo Qunsulkii hore ee Safaaradda Somalia ee Rwanda ka dhexeeyo is-qabqabsi iyo dagaal hoose.


xiggasho:--warfaafiye FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada