Wasiirka Arr. Dibadda oo la kulmay madaxweynaha hey’adda TIKA, kana qeybgalaya Shir caalami ah: SAWIRRO

Wasiirka Arr. Dibadda oo la kulmay madaxweynaha hey’adda TIKA, kana qeybgalaya Shir caalami ah: SAWIRRO

daajis.com:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa xalay kulan gaar ah kula qaatay Magaalada Stanbul ee dalka Turkey Madaxweynaha hey’adda TIKA Dr. Serdar ÇAM oo ay ka wada hadleen howlaha horumarinta hey’adaasi ay ka fuliso dalka Soomaaliya iyo qaabkii lagu dardar gelin lahaa .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada kala duwan ee ay u fidisay Soomaaliya , isagoo xusay in Shacabka Soomaaliyeed aaney marnaba iloobi doonin taageerada walaalnimo ee ay ka heleen walaalahooda Turkiga .
Dhankiisa , Madaxweynaha hey’adda TIKA DrSerdar ÇAM ayaa xusay in hey’adda TIKA oo kaashaneysa barnaamijyada horumarineed ee dowladda Turkiga ay ka hirgelin doonto Soomaaliya mashaariic wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu maanta kaga qeybgalayaa Magaalada Stanbul Shir caalami ah oo looga hadlayo horumarinta iyo caqabadaha ku horgudban , kaasoo qeyb ka mid ah Wasiirka uu shirgudoomin doono , waxaana lagu cazuumay  Wasiira arrimo dibadeedyo , madax ka tirsan hey’adaha Qaramada Midoobey, diblomaasiyiin iyo wakiillo .

H.E. Dr. Abdirahman D. Beileh , waxa uu shirkaasi ku  bandhigi doonaa fursadaha maalgashi ee ka banaan dalka Soomaaliya iyo baahida dowladdu u qabto mashaariic horumarin oo dhinacyo badan leh .
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo shalay gelinkii dambe gaaray Magaalada Stanbul ee dalka Turkey , ayaa waxa uu socdaal kaga yimid Magaalada Oslo ee Caasimadda dalka Norwey , halkaasi oo uu kulamo kula yeeshay Wasiiro ka tirsan dowladda Norwey iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool oo uu ku booriyay inay midoobaan oo ay u howlgalaan dib u dhiska, horumarinta iyo maalgashiga dalka .
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa xoojisay siyaasadeeda dibadda , si indhaha caalamka ay ugu soo jiheyso isbadalada ammaan iyo hiigsiga barwaaqo ee shacabka Soomaaliyeed ay naawilayaan,taasoo kordhisay in dowladaha caalamka ay dib u howlgeliyaan Safaaradihii ay ku lahaayeen Caasimadda Muqdisho .


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada