Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo labaatan maalmood dhalan iyo Aabihiis oo ifka ka tagay!!!

Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo labaatan maalmood dhalan iyo Aabihiis oo ifka ka tagay!!!

daajis.com:-Geeridu waa xaq , waana wax sugaya qof kasta oo doonaya inuu isku sii dhajiyo dunidaan aynu Safarka ku nahay ee aan lagu waari doonin.

Waxaan shalay baahinay geerida Marxuum Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan oo sababsaday walxa qarxa oo lagu rakibay gaari ah nuuca raaxada oo uu watay.


Dhiiga Wariyaha ayaa muuqday Ehladiisuna way mashquulsanaayeen sidaa daraadeed waxaa cuslaa in aynu helno xog dhamees tiran oo ku aadan Carruurta uu ka tagay Marxuumkaasi.


Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay ayaan ku ogaanay in sheekadu aysan fududeyn oo ay ka gun gaarid u baahan tahay.

Laba Xaas ayaa naloo sheegay inuu qabay, waxaana ku jiray Gabadh Umul ah oo aan wali ka bixin afartankii, 20 maalmood ka horna dhashay.

Wiil ay ehela yihiin oo si hoose noogu waramay ayaa sheegay inay jirto gabadh kale oo sheegtay inay wax u dhashay marxuunka ayna doonayso in la ogaado arintaas.

Sheekada i soo jiidatay ayaa waxa ay tahay in Gabadha 20-ka maalmood ka hor Umushay ay dhashay wiil yar oo loo bixiyay Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Cabdullaahi wuxuu hantay magaca Hogaamiye Ifka ka tagay oo caan ahaa jiray laakiin nolol kuma uusan arag Aabihiis oo wanaag la doonayay.


Asigoo aan wax ogeyn ayuu sariirta Hooyadiis jiifaa, Aabihiisna Ciida ayuu ka hoos maray, Maro cad oo qudha ayuuna Ifka kala tagay.

Marxuumka ayaa kahor inta aan la dilin yiri “Howl adag ayaa beri i sugeysa oo aan doonayaa inaa maareeyo” Sidaa waxaa inoo sheegay rag ay habeen hore wada fiidsadeen.

Si kasta oo ay ahaataba Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxa sugayaa ku noolaansha Wadan ay dad is dilaya joogaan, waana arin qaracan leh inuu Aabihiis waayo asigoo Darabta Jiifa .

Waxaa qoray: C/Risaaq Cumar Axmed ( Siiriya )
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada