SAWIRRO: Maamulka gobolka Banaadir oo burburiyay Hotel iyo dhismooyin sharci daro ah

SAWIRRO: Maamulka gobolka Banaadir oo burburiyay Hotel iyo dhismooyin sharci daro ah

daajis.com:-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa burburiyay dhismooyin sharci darro ah, oo laga dhistay degmada Hodan gaar ahaan agagaarka KM4, waxaana ku jira dhismooyinka la burburiyay Hoteel lagu magacaabo Hotel Bakiim, carwooyin iyo goobo ganacsi, oo horay loogu qabtay in ay kaga guuraan mudo todobo cisho ah balse ay kaga guuri waayeen.



Howshan burburinta ah oo ka dhacday degmada Hodan ayaa waxaa ka qeyb qaatay ciidamada Dowladda iyo gaadiidka iska rogaha ah.burbirin-1
Guddoomiyaha G/banaadir Jen. Xasam Maxamed Xuseen "Muungaab"ayaa booqday intii ay socotay burburinta dhismooyinkan sharci darada ah, isagoo sheegay in howshan ay qeyb ka tahay dadaalka uu Maamulka gobolka ugu jiro dib u soo celinta bilicda magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Muungaab in maamulka Gobolka aysan ogolaan doonin dhismo sharci darro ah oo ku yaalla goobaha danta guud, isagoo ugu digay dadka sida sharci darada u degan dhulalka danta guud inay sida ugu dhaqsaha badan u baneeyaan, mudada loo qabtay. burbirin-2burbirin-3burbirin-4burbirin-5burbirin-6burbirin-7burbirin-8burbirin-9burbirin-10burbirin-11burbirin-12

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada