Daawo Video: Qiso dhab ah oo banaanka la keenay, Sheekh Maxamed Idiris oo qalinka u qaatay Gabar Soomaaliyeed oo Qiso la yaab leh Qabsatay!! Arxan Daranaa

Daawo Video: Qiso dhab ah oo banaanka la keenay, Sheekh Maxamed Idiris oo qalinka u qaatay Gabar Soomaaliyeed oo Qiso la yaab leh Qabsatay!! Arxan Daranaa

daajis.com:-Asc wrwb sheekh ad ayaan kuu salaamayaa sheekh waxaan kaa codsanyaa in aad iisoo ducayso dhibaato ayaa ihaysata xaga guriga waayo waxaan la joogaa gabadha aabahay qabo aniga hoyo ma lihi hoyaday way dhimatay markaa sheekh dhibaato aad ah aya igu haysaa mala dagaalami karo waayo aabahay ayaa qaba oo waxaan ka baqayaa in uu i habaaro.

sheekh dhib wayn ayay igu haysaa gabadhaa aabahay qabo markaa layn ayaan rajaynayaa in uu iisoo boxo. sheekh waxaan kaa codsanayaa in aad iisoo ducayso in ilaahay gabadhaa faraj qayr qaba iiga soo furo walaahay dhibka ay gabadhaa igu hayso ilaahay uunbay uxisaabsan tahay waayo waxaa guriga la jooga ilaa 6 dumara ay iyada ehel yihiin lixdaas ayay maalinba mid igu dirtaa suu aabahay ii naco oo ay kutirahdo iyadaa dhibaata badan oo qof kasta isku doonanaysa sheekh subixii ayaan ka baxaa waxaan kusoo noqdaa duhurkii intaa waxaan kumaqanahay meel quraanka lagu barto danbigeeda ayaan ka cararayaa markaan ka imado albaabka saacad ayaa laygu eegayaa oo aan garaacayaa markaan irahdo maxaa layga furi waayayna aabahay ayay igu diraysaa.

sheekh ii so ducee in ilaahay faraj qayr qaba iiga soo furo walaahay sheekh dhibaataa igu haysata meeshaan joogo iisooducee sheekh ilaahay janadiisa haku geeyee..
_______________________

Gabadhaas iyo kuwa la midka ah waxaan Leeyahay:

Ilaahay samir iyo ferej ha idin siiyo.. Aabayaasha qaar ayaad qafladooda la yaabeysaa.. wexey guursanayaan islaan labaad, caruur aaney dhalinna waa u keenayaan, ka dibna Sanduuqa Qafladda ayey gelayaan, iyagoon marnaba is weydiinayn war ilamahaan qof aaney dhalin aad u keentay muxuu ku sugan yahay? Islaantu ma wanaajisaa? mise waa dhibtaa? dareenku aabayaashaas xagee ka aadey aayada iyo ilmaha aaney dhalin iney bisad iyo jiir isu yihiin marar badan? qaar wanaagsan aayooyinka ayaa jira, subxaanallaah oo hooyadii dhashay ilmaha la tartama naxariis, kal gacal, daryeel, Allaah ka cabsi, Aakhira ka biqid, qaarna dumarka aayooyinka waa bahalo aan Ilaahay ka biqin, oo Aakhiro xusuunayn, oo ilmihooda nabsiga qaban kara aan ka biqin! si xunna ilmaha ay aayada u yihiin ula dhaqma.

Gabadhaa yartaa waxaan leeyahay adiga iyo kuwa kula midka ah adeer sabir, adduunku waa laba gelin, gelina waa murugo gelinna waa farxad, gelin waa mushkilo gelinna waa xal iyo ferej, meel adduunyadu ma taagnaato, wey wareeganeysaa, islaantan aabahaaga qaafilkaa uu qabo, maanta qaflad ayey ku jirtaa, berri waxaa dhici karta oo aan fogayn iney adiga kuu soo baahato oo wax kale oo wax tara weydo, maalinkaas adigu sideeda ha noqon, adduunku waa imtixaan, qof walbaana wuxuu shaqaysto ayuu leeyahay.

ku dadaal dugsigaaga, dulqaado intii tabartaa ah, eedooyin ama abtiyaal hadey jiraan aad la noolaan kartid aabena kugu ogaado oo kuu geeyo, ama aad ka dalbato wey fiicantahay, hadii kalena inta ilaahay ferej furayo dulqaado, sabirka wanaag ayaa ka dambeeya inshallaahu, sedkaaga iyo nasiibkaagana waad heli doontaa inshallaah!

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada