Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo Al-Shabaab kala wareegay Deegaano ay gacanta ku hayeen

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo Al-Shabaab kala wareegay Deegaano ay gacanta ku hayeen

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaano kuyaala Duleedka Degmadaasi.

Gudoomiyaha Degmada Qoryooley Cusmaan Maxamed Buraale ayaa Wabaahinta u sheegay in Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM howlgal ay saacadihii lasoo dhaafay sameeyeen ay ku guuleesteen in Al-Shabaab kala wareegaan LaboDeegaan.

Buraale ayaa xusay Deegaanada Al-Shabaab laga qabsaday in ay ahaayeen kuwa ay weerarada kasoo qaadi jireen , waxa uuna intaa raaciyay in howlgalka sii socon doono ilaa Al-Shababa laga saaro guud ahaan Deegaanada Qoryooley hoos yimaada.

Al-Shabaab ayaa go’doomisay Degmada Qoryooley oo kamid ah Degmooyinkii ugu dambeeyay ee Shabaab laga saaray , waxaana inta badan Qoryooley ka dhaca dagaal u dhaxeeya Ciidamada Huanta iyo kuwa Al-Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada