Puntland oo soo dhoweeysay isa soo dhiibista Hoggaamiyihii Al-Shabaab ee buuraha Galgala

Puntland oo soo dhoweeysay isa soo dhiibista Hoggaamiyihii Al-Shabaab ee buuraha Galgala

daajis.com:-Madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa soo dhoweeyay isa soo dhiibitaanka Hoggaamiyihii Alshabab u qaabilsanaa Puntland gaar ahaan Buuraha Galgala, Maxamed Siciid Atam oo Dowladda Federaalka isu soo dhiibay.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in tani ay tahay tallaabo horumar leh iyo dhabar jab ku timid Al-Shabaab, soona dhoweynayaan maamul ahaan.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Puntland in tallaabadani ay bilow u tahay in kuwo kale ay kasoo baxaan Shabaab, isla markaana ay kusii farxi lahaayeen inta ku hartay Buuraha Galgala inay kasoo baxaan Shabaab sida Sheekh Atam oo kale.

Dowladda Federaalka ayaa gacanta ku hayso Hoggaamiyihii buuraha Galgala oo maanta kusoo bandhigtay magaalada Muqdisho, iyadoo si gaar ah loo ilaaliyo, waxaana amaankiisa la wareegay ciidamada sida gaarka u tababaran ee Gaashaan.

Sheekh Atam ayaa sheegay in Al-Shabaab uu uga soo baxay kadib markii uu oggaaday in ururka iyo hoggaankiisuba ay banneysteen dhiiga shacabka ee Muslimka ah, isla markaana Axmed Godane, madaxa al-Shabaab iyo ururkiisu ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed dhibaato aan loo dul qaadan karin.


Wuxuu sheegay in wixii hadda ka danbeeya fikradiisa uu ku gudbin doono qaab nabadeed oo aan dagaal danbe waxba lagu raadin doonin.

Sheekh Atam ayaa markii ugu horeysay la maqlay in uu Al-shabaab ku biiray sanadkii 2010, markaasi oo buuraha galgala ay ka socdeen dagaalada lagaga soo horjeeday maamulka Puntland.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada