Madaxweynaha cusub ee Masar oo maanta loo dhaarinayo xilka

Madaxweynaha cusub ee Masar oo maanta loo dhaarinayo xilka

daajis.com:-Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay magaala madaxda dalka Masar ee Qaahira, ka hor xafladda dhaarinta madaxweynaha cusub ee dalkaasi oo horey u ahaan jiray taliyaha ciidamada militariga Cabdifataax Al-Sisi.

Madaxweynaha la doortay ayaa lagu dhaarin doonaa maxkamadda dastuuriga ah ee magaalada Qaahira.

Cabdifataax Al-Sisi ayaa si weyn ugu guuleystay doorashadii dhacday bishii la soo dhaafay inkastoo dadka codadkooda dhiibtay ay ka yarayd boqolkiiba 50.

Doorashada ayaa ku soo beegmeysa muddo ka yar hal sano kaddib markii Al-Sisi uu xukunka ka tuuray madaxweynihii islaamiga ahaa ee Maxamed Mursi.

Al-Sisi ayaa hormuud ka ahaa hawlgallo ka dhan ah dadka isaga dhaliilsan, waxa uuna sidoo kale mamnuucay ururka ikhwaanul Muslimiin oo ka tirsan yahay Maxamed Mursi.

- BBC


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada