Daawo Sawirada:- Dhismaha Safaarada Somalia ku keedahay Shiinaha iyo Wasiirka Arimaha Dibada oo booqday

Daawo Sawirada:- Dhismaha Safaarada Somalia ku keedahay Shiinaha iyo Wasiirka Arimaha Dibada oo booqday

daajis.com:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu booqday shalay gelinkii dambe dhismaha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Beijing ee Caasimadda China , halkaasi oo uu ku soo dhoweeyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Shacbiga China ambassador Yusuf Hassan Ibrahim “Yusuf dheeg”,diblomaasiyiinta kala duwan ee Safaaradda iyo shaqaalaha “Local Staff” .

Dr. Abdirahman Dualeh , ayaa ku booriyay diblomaasiyiinta Safaaradda inay kordhiyaan howlaha qaranka ay u hayaan , isagoo xusay in loo baahan yahay dib u dhis iyo dayactir lagu sameeyo dhismooyinka Safaaradaha qaar ee dalku leeyahay .

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay qorsheyneyso horumarinta aqoonta iyo tayada dhammaan diblomaasiyiinta Soomaaliya ,si guulo ay uga keenaan howlaha kala duwan ee loo kala igmaday.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada