Is dhiibista Sh. Atam:- guul usoo hoyatay dowladda Soomaaliya.

Is dhiibista Sh. Atam:- guul usoo hoyatay dowladda Soomaaliya.

daajis.com:-Waa tallaabo horumar leh oo dhinaca dacaayada ay ka gaartay Dowladda Federaalka, iyadoo rajo ka qabto rag kale oo sarsare inay isa soo dhiibaan, kuwa ku harayna shaki hor leh soo kala dhex galaya.

Dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda dalka Somalia waxay aaminsan yihiin in isa soo dhiibista Hoggaamiyihii Al-Shabaab ugu wakiilka ahaa buuraha Galgala ee Puntland Sh. Saciid Maxamed oo ku magac dheer Atam ay guul weyn u tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waa tallaabo horumar leh oo dhinaca dacaayada ay ka gaartay Dowladda Federaalka, iyadoo rajo ka qabto rag kale oo sarsare inay isa soo dhiibaan, kuwa ku harayna shaki hor leh soo kala dhex galaya.

Inkastoo kooxdii Sheekh Atam ay weli dagaalamayaan kuna danbeeyaan buuraha Galgala hadana waxay waayen hoggaamiyahooda, walow uu jira shaqsi aad ugu dhow Axmed Godane oo dad badan ay aaminsan yihiin in shaqadii uu qaban jiray Sheekh Atam in ka badan in uu qabto, kaasoo lagu magacaabo Yaasiin Kilwe oo Mareykanka madaxiisa dul dhigay lacag aad u tirobadan.

Al-Shabaab waxay u tahay dhabar jab xagga mooraalka ah waxayna keenaysaa inay waayaan shacbiyada ay dadka qaar ka haysteen, maadaama Hoggaamiye sare oo deegaan ballaaran wakiil ugu ahaa uu caddeeyay in ujeedka Al-Shabaab uu yahay mid aan Shareeco Islaam iyo Diin midna ku saleysneyn.

Dhinaca maamulka Cabdiweli Gaas ee Puntland oo uu kasoo jeedo Sh. Atam waxaa loo arkaa nin la shaqaynaya hay'ddaha amniga ee federaalka ah taasoo ah tallaabo wanaagsan oo hoggaamiyeyaasha Puntlan looga baran, waxayna Puntland ay sheegtay inay ka war qabtay xaaladda isa soo dhiibista Sheekh Atam. Waxay taasi muujineysaa xiriirka labada dhinac iyo sida ay iskula shaqeynayaan.

Si la mid ah waxaa horay isu soo dhiibay Xasan Dahir Aweys oo weli ku jira xabsi guri, mar walbana la sheego inuu dhibaato kala kulmo hay´addaha amniga, laakiin ay ka haboon tahay in caddaaladda loo cuskado cid kasta oo shacabka Soomaaliyeed dhibaato u geysatay, lagulana xisaabtamo danbigii ay gashay.

Sheekh Atam isna kama duwana Sheekh Xasan Dahir Aweys, inkastoo si ugu duwan yahay marka la is barbar dhigo labadooda.

Ugu danbeyntii Waxaan sugnaa waa rag kale oo miisaan ku leh Shabaab dhexdiisa in iyagana kusoo xigsadaan Sheekh Atam, oo ka towbad keenay qaladaadkii uu ku raacay Al-Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada