Ciidamada Dowladda oo Nin Al-Shabaab ka Tirsan ku Qabtay Maxaas

Ciidamada Dowladda oo Nin Al-Shabaab ka Tirsan ku Qabtay Maxaas

daajis.com:-Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa saakay gacanta ku dhigay nin ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab kaddib howl gallo ammaanka lagu sugayo ka wada xaafadaha degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Eelaay oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen qof hubeysan oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kaas oo noqonaya qofkii afaraad oo ay toddobaad gudihiis ay ciidamadu gacanta ku dhigaan,

Saddex qofood oo ka tirsan Al-Shabaab ayay horay ciidamadu u qabteen kuwaas oo ku jira xabsi ku yaalla Maxaas. 

Howlgalladu waxay ka socdaan tuulooyin hoos taga Maxaas oo ay ka mid tahay degaanka Goobo sida uu sheegay guddoomiyuhu.

Dhinaca kale dadka ree Guuraaga ah eek u dhaqan tuulooyinka hoos taga Maxaas ayaa weeraray koox ka tirsanayd Al-Shabaab oo doonayay inay weeraraan ciidamada dowladda ee ku sugan degmada MaxaasLama xaqiijin khasaaraha uu geystay iska-hor-imaad dhexmaray maleeshiyaadka dadka xoolo dhaqatada u badan ee degaanka ku nool.

xigasho:Radio muqdisho

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada