Ciidamada Dowladda oo toogtay sarkaal ka falaagoobay Dowladda

Ciidamada Dowladda oo toogtay sarkaal ka falaagoobay Dowladda

daajis.com:-Deegaanka Tixsiile ee Gobolka Shabeelada Hoose, waxaa goor dhoweyed lagu toogtay Sarkaal horay uga falaagoobay Ciidamada Dowladda Soomaaliya.


Dilka Sargaalkaan oo lagu magacaabo Yuusuf Cali Indhoole ayaa la sheegay in uu yimid ka dib markii Kontorool ku yaala Deegaanka Texsiile ay soo Weerareen Ciidamo uu watay,waxaana halkaas ku dhintay Labo Ruux oo uu ku jiro.

Sidoo kale waxaa halkaasi ku dhaawacmay ugu yaraan 7 Askari oo Labada dhinac ah,aydoona Gaari Cabdi Bille ah oo uu watay Sargaalkaan la dilay Lagubay,Gaari Saarif ahna laga Furtay.

Yuusuf Cali Indhoole oo hore u soo noqday Sargaal ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya,ayaa bilaabay Jabhadeeyn uu Dowladda Soomaaliya uga soo horjeedo,waxaana socotay Waawaan la doonayo in lagu Cafiyo Asaga iyo Gudoomiyihii hore ee Balcad Cismaan Xaadoole.inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in Labadaba la Cafiyey.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada