Saldhigyo ciidan oo UK ku leedahay Kenya oo weerar loogu hanjabay

Saldhigyo ciidan oo UK ku leedahay Kenya oo weerar loogu hanjabay

daajis.com:-Beeralayda qaadka Mero ayaa sheegey haddii dowladda Ingiriiska ay ka laaban weyso mabnuucista qaadka ee UK in markaasi ay weerari doonaan saldhiga Yanyuki ee ciidamada Britain ay degenyihiin.

Nin magaciisa ku sheegey FG Machuma oo u hadlay qabiilka Mero ee beeralayda qaadka ayaa yiri “Haddii ay codsigeena dhagaysan waayaan waxaan leenahay xero ayay ku leeyihiin Yanyuki, haka guuraan, haddii si nabadgalyo ah oga guuri waayaan, hubka ayaan qaadanaynaa, waanan la dagaalamaynaa” ayuu yiri.

Horey waxa ay beeralayda ugu hanjabeen in ay la wareegayaan beeraha aseendooyinka ah ee muwaadhiniinta Britain ay ku leeyihiin dalka Kenya mudada qarniga ka baddan.

Qaadka UK ayaa waxaa aad u isticmaala Soomaalida, iyada oo dowladda UK ay mabnuucdey, waxaana qaadka laga dhalin jirey dhaqaale aad u badan oo Kenya ku laaban jirey.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada