Qaraxi saddexaad oo caawa ka dhacay magaalada Hargeysa muddo todobaad ah

Qaraxi saddexaad oo caawa ka dhacay magaalada Hargeysa muddo todobaad ah

daajis.com:-Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaliland ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegayaa in caawa fiidkii uu hakaasi ka dhacay qarax.

Qaraxan ayaa lagu warramayaa inuu ka dhacay wasaaradda cadaaladda horteeda, waxaana la sheegay in dhaawac uu kasoo gaaray hal qof.


Ninka ku dhaawacmay qaraxa caawa oo axad ah ayaa la sheegayaa inuu ka tirsanaa laanta xeer ilaalinta Soomaaliland Soomaaliya.


Waa qaraxi saddexaad ee caasimadda maamulka Somaliland Soomaaliya ee Hargeysa ka dhaca muddo todobaad ah, iyadoo qaraxa caawa uu  geystay dhaawac hal qof ah.

Qaraxi kan ka horreeyay ayaa ka dhacay meel u dhow madaxtooyada Somaliland ee Soomaaliya, iyadoo dhawaqa qaraxaasi laga maqlay xaafado ka tirsan Hargeysa.

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland ee Soomaaliya Axmed Maxamuud Siilaanyo ayaa labadi qarax eek a ka horreeyay ku tilmaamay inay ahayd Daasad shaani laga cabo oo la rabo in Somaliland lagu cabsiiyo.
Wixi kusoo kordho kala soco Daajis:

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada