Daawo Muuqaal :- Hooyadii dhashay wiilkii dabaqa 11 aad ka soo dhacay oo ka hadashay Qaabkii uu u soo dhacay Wiilkeeda!!

Daawo Muuqaal :- Hooyadii dhashay wiilkii dabaqa 11 aad ka soo dhacay oo ka hadashay Qaabkii uu u soo dhacay Wiilkeeda!!

daajis.com:-Wiilkii yaraa ee mucjisada ahaa ee uu ilaahay ka badbaadiyey ka dib markii uu ka soo dhacay sar 11 dabaq ama biyaano ah oo ku taala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa markii ugu horeysay waxaa loo soo bandhigay warbaahinta dalka Mareykanka iyadoona ay sidoo kae hooyadii dhashay wiilkaas yar ay markii ugu horeyssay ay ka hadashay sia ay wax u dhaceen.

Wiilkaan yar ee Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Musa Dayib oo hal sano jir ah oo ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa uu dhawaantaan gaar ahaana bartamihii bishii hore ee sanadkaan uu ka soo dhacay gurigiisa oo ku yaala dabaqa 11 aad, Wiilkaan oo uu ilaahay ka badbaadiyey dhibaatadaas baaxada weyn leh ayaa markii ugu horeysay waxaa loo soo bandhigay warbaahinta dalka Mareykanka iyadoona hooyada dhashay wiilkaas oo lagu magacaabo Hooyo Faadumo ay markii ugu horeysay ay ka sheekeysay sida uu ilaahay u badbaadiyey wiilkeeda iyo dareenkeeda ku aadanaa marka ay maqashay inuu wiilkeeda uu ka soo dhacay dabaqa 11 aad, Hooyadaan ayaa sheegtay inay si aad iyo aad ah ay uga naxday marka ay maqashay waxa ku dhacay wiilkeeda laakiinse ay hada tahay qof faraxsan maadaama uu ilaahay badbaadiyey wiilkeeda. 


Ugu dambeyntiina iyadoo wiilkaas yar ee Soomaliga ah uu ilaahay ka badbaadiyey dhibaatadaas weyn ee soo ku dhacday taas oo ah inuu ka soo faniino dabaqa sidaas u dheer ayaa waxay warbaahinta dalka Mareykanka ay ugu magac dareen wiilkaas Wiilkii Mucjisada ahaa iyagoo ujeedkoodu uu yahay inay la yaab iyo mucjiso ay tahay inuu wiilkaas asagoo ka soo dhacay dabaqa sidaas u dheer uu hadana ka badbaado, Dhaqtaradii daaweynaysay wiilkaas oo lagu magacaabo Dr. Tina Slusher ayaa horey u sheegtay in dad badan oo ka soo dhici lahaa dabaqaas inaysan badbaadeen laakiin wiilkaan yar laga yaabo inay badbaadisay maadaamo uu yahay qof kor jilicsan leh oo sida laastikada oo kalena ah , Wiilkaan ayaa hada waxaa uu u muuqdaa inuu yahay caadi islamarkaana uu ka soo reystey xoogaa jabjab ah oo ka soo gaarey dhicitaankaas naxdinta badan. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada