Is-casilaadda Annadif oo Kenya lugaha la gashay iyo rajo-beelka DF Somalia

Is-casilaadda Annadif oo Kenya lugaha la gashay iyo rajo-beelka DF Somalia

daajis.com:-Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa is-casilaadda wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed Salah Annadif, oo shalay xilkiisa ka tagay, sida aan xog ku helnay.
Is casilaadiisa ayuu Annadif ugudbiyay ururka Midowga Afrika sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah waana laga aqbalay, waxaana la filaa inuu maanta qabto shir jaraa’id, oo uu ku faah-faahinayo arrintaas.
Wuxuu iscasiladiisa ku tilmaamay mid ku saleysan culeys uu kula kulmay waddamada dariska ah, in kasta oo uusan magacaabin dal, iyo nooca culees ee uu kala kulmay dalalka deriska la ah Soomaaliya, sida Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti.
Si kastaba xubno ku dhow Amisom, oo aan dooneyn in magacooda la shaaciyo, ayaa sheegay in Annadif uu si aad ah uga carreysan ficillada Kenya iyo Ethiopia ee Somalia, si gaar ahna dowladda Kenya.
Waxaa la sheegay in dhowr goor uu madaxda Midowga Africa u gudbiyey ashtako ka dhan ah Kenya, oo uu ku eedeeyey inaysan ixtiraamin dowladda Somalia, ayna la macaamisho koox ayada ay geysatay gobollada Jubbooyinka.
Waxaa sida lagu warramay uu codsaday in guud ahaan dowladda Kenya ciidankeeda laga saaro Soomaaliya, ama ugu yaraan lagu qasbo inay dowladda Soomaaliya ku ixtiraamto arrimaha dalkeeda, joojisana la macaamilka maleeshiyo beeleedyada, balse jawaabi waafi ah aan la siin.
Annadif, ayaa la sheegay inuu dareemayo in dalalka Africa aysan dooneyn xal laga gaaro arrimaha Soomaaliya, ayna dowladda Kenya uga xaglinayaan dowladda federaalka Soomaaliya, sidaa darteedna uu go’aansaday is-casilaadda.
Si kastaba, looma maleynayo inuu waxyaabahaas uu tabanayo kusoo qaado shirka jar’aaid ee maanta, marka laga reebo culeeska uu tabanayo, maadaama taas ay ka hor-istaageyso diblomaaasiyadda.
Tani waxa ay muujineysaa in rajo kasta oo DF Somalia ay ka qabtay in wax laga qabto tacaddiyada Kenya ay iminka u muuqato mid aan soo socon.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada