Daawo Sawirada:- Gabar guursatay nin ay jecleed oo si xun loo ciqaabay kadibna Wabi lagu tuuray

Daawo Sawirada:- Gabar guursatay nin ay jecleed oo si xun loo ciqaabay kadibna Wabi lagu tuuray

daajis.com:-Saba Maqsood oo ah gabar u dhalatay dalka Pakistan ayaa ka badbaaday dil ay la magaanayaan faamilkeeda kuwaas oo laba mar xabad ku dhuftay kadibna ku tuuray wabiga, iyaga oo ka careesan in ay guursatay wiil ay jeclaatay.


Gabadhan oo jirta 18 sano waxaa ka xanaaqay guurkeeda faamilkeeda waxaana weereer si wada jir ah ugu soo qaaday aabaheed, adeerkeeda iyo walaalkeeda iyada ka wayn iyo xaaska adeerka iyaga oo ka xun ninka ay guursatay sidaasna waxaa sheegay afhayeenka police -ka Akbar, Hafizabad, Punjab province.


Afhayeenka ayaa sheegay in ay gabadhaan guursatay wiil ay daris yihiin oo lagu magacaabo Muhammad Qaiser shan maalin ka hor inta aan gabadha la dilin, go’aanka ay gabadha ku guursatay wiilkaan ayaa noqday mid aan u cuntamin reerka ay ka dhalatay.

Weerarka ay ku qaadeen faamilka gabadhooda Saba Maqsood taas oo sababtay in ay dhaawac ka noqoto bushinta iyo gacanteeda midig.

Markii ay wabiga ku tuur reerka gabadhooda ma aysan ku sii nagaan goobta reerka way wada baxsadeen, gabadhan ayaana ku dhex suuxday juunigii lagu riday iyadoo markii danbe ka soo dhex baxday juunigaas iyadoo ka heleeso caawimaad dad badan oo meesha ka dhawaa.

Saba Maqsood ayaa sheegtay in waxa sidaas u galeen ay ahaayeen aabaheed oo lagu magacaabo Maqsood Ahmad, walaalkeeda Faisal Maqsood, iyo adeerkeeda Ashraf Ahmad iyo adeerka xaaskiisa Sajida Bibi,"


Xaalada caafimaad ee saba ayaa hada wanaagsan kadib markii ay ka soo gudubtay xaalad halis ah, police ka ayaa sheegay in ay baxsadeen kuwii falkaas kula kacay Saba.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada