Xog uruurintii kenydka shidaalka Soomaaliya oo lasoo afmeerey

Xog uruurintii kenydka shidaalka Soomaaliya oo lasoo afmeerey

daajis.com:-Shirkaddan oo lagu magacaabo Soma and Gas oo laga leeyahay dalka Britain, islamarkaasina uu madax ka yahay Robert Sheppard oo ah siyaasi u dhashay dalka Ingiriiska ayaa sheegtey in illaa sanadka dhamaadkiisa ay qaadanayso illaa inta laga diyaarinayo xogta oo isku duba ridan, la turjumey, islamarkaasina la’isku hufey.

Sida uu dhigayo heshiiska dowladda iyo shirkadda, xogta ayay tahay in lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya si markaasi shirkadaha kale ee danaynaya in ay shidaal baaris sameeyaan ay u isticmaali karaan, waxaa kale oo heshiiska ku jira in isla shirkadani Soma and Gas ay codsan karto in la siiyo qandaraas ay shidaal baaris ku samayso , waxayna shirkadda shidaal ka baaran kartaa masaafo dhan illaa 60 kun oo kiilo mitir, oo waliba ah meelaha ay iyadu xulanayso.


Maadaamaa Soma and Gas ay iyadu tahay tan xogta soo uruurisey, islamarkaasina si dhab ah u og meesha wax lagu tuhmayo ee shidaal laga heli karo, ayaa meelaha ay xulanayso in ay shidaalka ka baarto waxaa la filan karaa in ay yihiin meelaha ugu haboon, halka dhulka inta soo hartay oo ah lixdan kun oo kiilo mitir oo kale ay shirkadaha kale wax ka baaranayaan .

Wasiirka macdanta iyo kheeyraadka Daa’uud Maxamed Cumar oo hadlay ayaa sheegey in Soomaaliya ay tahay meelaha adduunka aanan si wanaagsan loo sahmin, talaabada hadda la qaadayna ay ka dhigantahay in meesha ay ka baxday cabsidii xagga ammaanka ee looga baqan jirey in wax hawl ah laga qabto Soomaaliya.

Hawsha xog uruurinta waxaa lagu qabtay markab weyn oo ay ku xiranyihiin qalab gunta badda yaala kaasi oo xogta usoo lalinaya markabka dushiisa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada