Dagaalyahanada Alshabaab oo badalaya nambarada taleefanadooda

Dagaalyahanada Alshabaab oo badalaya nambarada taleefanadooda

daajis.com:-Amar kasoo baxay hoggaanka Alshabaab waxa uu yahay in dhamaan dagaalyahanada Alshabaab ay badalaan nambarada taleefoonadooda, taasina waxa ay ka dhigantahay in kumanaan nambar oo cusub mar kaliya hawada Soomaaliya kusoo biirayaan, kuwa horey u shaqaynayayna ay hawada ka baxayaan.

Inkasta oo Shabaabka ay doonayaan in ay tirtiraan wax alaale wixii raad ah oo lagu soo tixraaci lahaa xiriirka ay ku sameeyaan taleefoonada, ayaa waxaa kale oo jirta in tirada taleefoonada intaasi la;eg oo mar kaliya hawada kusoo biiraya ay noqoneyso meel laga tixraaci karo, sida wargeyskani u sheegeen illo wareedyo sirdoonka ah.

Sida awood sheegashada ah ee ay majaraha ugu hayaan shirkadaha isgaarsiinta ayaa laakiin waxa ay ka dhigeysaa mid adag in la heli karo xog dhab ah oo ku saabsan xiriirka xagga isgaarsiinta ay ku sameeyaan.
Ma ahan arrin cusub badalista taleefoonada, balse horey waxa kaliya oo ay ku koobneyd madaxda sarsare iyo saraakiisha hawlaha muhiimka u haya xarakada, waxaana la samayn jirey iyada oo la daminayo isgaarsiinta oo dhan, iyada oo galista hawada ee taleefoonada madaxda lagu beegayo marka ay isgaarsiinta dib hawada usoo galayso.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada